"Heshiis Xanuun Badan Ayaan Saxiixay" Ra'iisal Wasaaraha Armenia.

0
Tuesday November 10, 2020 - 12:43:58 in News by
  • Visits: 1820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Heshiis Xanuun Badan Ayaan Saxiixay" Ra'iisal Wasaaraha Armenia.

    "Heshiis Xanuun Badan Ayaan Saxiixay" Ra'iisal Wasaaraha Armenia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Heshiis Xanuun Badan Ayaan Saxiixay" Ra'iisal Wasaaraha Armenia.


Ra'iisal wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan, ayaa sheegay inuu heshiis ‘xanuun badan leh’ la saxiixday cadawgiisa Azerbaijan iyo Russia, si loo soo afjaro dagaalka 45-ka maalmood ka socday gobolka Nagorno-Karabakh.

Image may contain: ‎1 person, ‎beard, ‎text that says '‎اليرة ALJAZEERA Nagorno-Karabakh Armenia's PM Nikol Pashinyan signs agreement with Azerbaijan and Russia to end war‎'‎‎‎


Armenia oo u muuqata in dagaalka lagaga adkaaday ayaa heshiiska ay saxiixday kusoo Beegmayaa iyadoo saacadihii ugu dambeeyay qawmiyadda Armenia ee degen gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno karabaakh ay xaqiijiyeen in magaalada muhiimka ah ee Shusha ay la wareegeen ciidamada Azerbaijan.


Pashinyan, oo ku sifeeyay go'aanka inuu ahaa "mid aad u murugo badan isaga iyo shacabkiisa, ayaa yidhi waxaan qaatay go'aanka kadib markaan si qottodheer u falanqeeyay xaalada militari ee hadda taagan, taasoo muujinaysa xoogaga Azerbaijan inay guulo waaweyn gaadheen ayna ku sii dhawaadeen Stepanakert, oo ah magaalada gobolka ugu weyn"


Lama oga faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nuxurka heshiiska oo aan ka ahayn in dagaalka halkaas lagu joojiyo.


Asarbejan iyo Ruushku wali kamay hadal hiiskan oo degdeg u dhaqan galaya saacadaha soo socda.

Loading...
Loading...