"Ku dooro basaasnimo, isku-dir iyo munaafaqad. Waa been dedaalka, daacadnimada iyo waxqabadka dhabta ah ee uu meesha ku qortay. Lii.. Lii.. Lii"

0
Tuesday November 10, 2020 - 10:01:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ku dooro basaasnimo, isku-dir iyo munaafaqad. Waa been dedaalka, daacadnimada iyo waxqabadka dhabta ah ee uu meesha ku qortay. Lii.. Lii.. Lii"

    Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siciid Maxamuud Gahayr

Maxamuud Yaasiin Askar (Malaw) Oo caawa aan ogaaday in uu murashax u yahay Golaha Degaanka Sallaxley waxa uu tilmaan ahaan sax ku noqonayaa in uu ku qorto "Ku dooro basaasnimo, isku-dir iyo munaafaqad"




Wanjallo badan oo uu sameeyay waxa ka mid ahaa kan uu igu gacangeliyay oo aan 88 cisho u xidhnaa 2016kii..

Akhri doorkiisii...


Muddo saddex bilood ku dhow: Juun, Julaay iyo Ogos 2016ka ayaa aan maqlayay hanjabaad ka imanaysay adeegayaal dadweyne oo ka hawl-gala Wasaaradda Duulista iyo Madaarka Hargeysa, kuwaas oo igu eedaynayay in aan qoray dhambaal gooddi ah oo loo diray dar ka mid ah diyaaradaha shisheeye ee ka hawl-gala garoonka Cigaal ee Hargeysa.


Kolkii la demin waayay tabashada aan qiilka waddannin ee la ii soo tebinayo ayaa aan go’aansaday in aan afka furto, aniga oo 14kii Ogos 2016ka bilaabay taxane dhambaallo ah oo muujinaya hagardaamada ka jirta Wasaaradda Duulista iyo Madaarka Cigaal. Muddo lix maalmood ah oo qoraalku socday waxa aan helayay xogo kala geddisan oo xadhig ah, sidaas awgeed waxa aan galay feejignaan heerkeedu sarreeyo.


Dharaarahaa waxa aan ka samata-baxay saymo la ila maagganaa. Masuuliyiinta dhibsaday qoraalladaydu waxa ay xitaa dacweeyeen madaxda ciidanka Booliska Somaliland oo lagu canaantay in ay ka gaabiyeen tallaabadii ay moodayeen in ay ku habboon tahay arrinkayga.


 Mar dambe waxa uu nin booliska dharcadda ahi igu yihi "Annaga oo saddex nin ayaa uu Taliyihii Boolisku na soo wacay, waxa uu nagu amray in aanu kaa eegno meel aad ku cawayn jirtay. Xitaa muuqaalkaaga ayuu noo tilmaamay, weligayna kuma arag. ‘waa ninka sidaas ah, midabkaas leh, marka aad aragtaan ii soo sheega. Idinku ha qabanannina, waxa gacanta ku dhigaya ciidan boolis ah oo hubaysan’ ayuu yidhi. Si kasta oo xaalku ahaana habeenkaas laguma arkin”. Warka askarigan aanan magaciisa sheegini waxa uu xoojinayaa dareenkii aan qabay ee ahaa in la i daba socdo.


Markii uu buuqu cirka isku shareeray ayaa lala xidhiidhay shirkadaha is-gaadhsiinta, xilliyada gacanta la igu dhigi doonana waxa askarta lagu hagayay adeegga la-socodka dhaqdhaqaaqa qofka ee moobilka (GPRS). Mar kasta oo aan dareemo falal igu liddi ahna, waxa aan ka diga-rogan jiray goobta aan ku suganahay. Wakhtiyada qaarkoodna waxa aan demin jiray isla markaana aan kala saari jiray taleefanka.


20kii Ogos 2016ka ayaa aan amin fiidaddaw ah u tegay Maxamuud Yaasiin Askar (Malaw) oo ahaa nin aan oday/xeerbeegti u aqaannay isla markaana aanu xigaal nahay, isaga oo markaas joogay guriga Beceli (Tolka aanu magta iyo qaadhaanka wada-bixinno). Dareenku wuu iska jiraaye, joogitaankiisa baradaas shaki ayaan ka qabay. Haddii aanu mag-wadaag la ahayn qoyskan guriga ku tashada, waxa aan dhawr qof weydiiyay 2014kii, muxuu ninkani guriga ka qabtaa? Ma jaajuus baa?


Laba habeen oo aanan midkood haleel haynnin ayuu ila soo xidhiidhay, ujeeddada uu ii soo wacayna waxa uu iigu sheegay dhammaystirka qabyooyin ka dhex jiray qoyska aanu ka dhallannay. In kasta oo cirku da’ayay, waxa aan sii dhex qaaday dhibicdii roobka, aniga oo qaddarinayay qofka kulanka iga codsaday. Markii uu dharkaygu qoyay ayaan doonay in aan bas raaco, laakiin gaadhigii ayaa iga tegay. Inta aan cagaha wax ka dayay ayaan dirqi ku halabsaday gaadiidkii dadweynaha ee i dhaafay.


Kolkii aan gaadhay baradii uu ku sugnaa, waxa uu ii sheegay in ay dad iga cabanayaan isla markaana la rabo in gudaha la i dhigo. Waxa uu yidhi "Cabdillaahi Fadal waxa aynu u nahay abti. Ma rabo in lagu xidho ee in laguu digo ayuu rabaa. Saaka waxa rabay in ay guriga kuugu yimaaddaan Hoggaanka Hawl-gelinta Booliska iyo Mawliid Sangaab oo Booliska ka tirsan. Aniga ayaa joojiyay oo ka codsaday in lagu sugo inta aad ka soo baxayso”.


Sidoo kale waxa uu ii soo bandhigay in aan dawladda xil ka qaato. Hadalkiisa waxa aan ka dhadhamiyay in uu mooggan yahay xaqiiqada waxa aan ka hadlay, mararka qaarkood waxa uu lahaa "Miyaad wax ka qortay safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolka Sool?”. Cabbaar kokii aan sheekada ka guray, waxa aan qof ahaan gartay in aanu micne buurani hadalkiisa ku jirin.


Waxa aan u xaqiijiyay in aanan wax gabbood-fal ah ku kicin, isla markaana aan dhawr maqaal oo run ah qoray iyo in aanan diyaar u ahayn qabashada mansab laga qaato xukuumadda. Ugu dambayntii waxa uu iga codsaday in aan la kulmo dadka wax iga tabanaya oo aan xadhig u soconnin, taasna waa aan aqbalay.


"Haddii ay yihiin dad shacab ah oo wada-hadal u socda, waynu qancin doonnaa ama ka daw-bixi doonnaaye u yeedh” ayaan idhi. Intaas kaddib waxa uu garaacay taleefan "Halkaas ayaanu joognaa aniga iyo Siciide noo yimaadda” ayuu yidhi.


Shaw wixii aan shakiga ka qabay ayaa run ah, ninkanina waxa uu ahaa basaas dacar ii walaaqaya. Halkii aanu dad rayid ah ka filaynnay ayaa waxa na hor istaagay gaadhi Surf ah oo tirsigiisu yahay 38701, waxaana ka soo daatay afar askari: laba dharcad ah iyo laba dirays xidhan oo hubaysan.


Judhiiba labadii dharcadda ahaa ayaa aniga oo aan arkaynnin suunka igu dhegay oo i qabtay. Nin aad u garanaya qofka ii dhuuntay ayaa yidhi "Isaga iyo aabbihiiba basaasiin ayay ahaayeen”. Sidaas ayaa Saldhigga Qudhacdheer la igu geeyay. Saacad kaddib ayaa CTU la ii wareejiyay.


Waayahaygii Xabsiga...

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...