'' Somaliland sidey ula jaanqaadi kartaa isbadalka USA ''.

0
Tuesday November 10, 2020 - 09:38:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Somaliland sidey ula jaanqaadi kartaa isbadalka USA ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Xukuumaddii xisbigga Jamhuurigga ee uu gadh-wadeenka ka ahaa Donald Trump mabaadideeda oo dhami waxay ahayd Dhaqaale , Mabaadidii Maraykanku ilaaliin jirey ee kale oo dhana wuu iska laabay meel baanu ku tiiriyey .



Trump wuxuu aaminsanaa in maraykanku yahay wadan keliya oo aan xil ka saarnayn aduunka intiisa kale , sidaa darteed wuxuu ka baxay heshiisyadii ilaalinta cimiladda , wuxuu dhabarka u jeediyey dardarta Ruushku lasoo baxay , waxaanu indhaha ka qarsadey is balaadhinta Turkigga iyo Shiinaha , keliya wuxuu xooga saarey dhaqaalaha iyo maraykanka gudihiisa .


Ugu dambayn Trump waa tagey , waxaana yimi waaqac cusub iyo siyaasad cusub , barnaamijyadda xisbigga Dimuqraadiga iyo siyaasadda Joe Biden oo ah khabiir ku xeel-dheer siyaasadda arrimaha debedda waxa weeyaan , soo celinta saamyntii maraykanku ku lahaa aduunyadda iyo dhismaha magacii maraykan ee baaba'ay .

Sidaa markay taha , xukuumadda Joe biden oo ay ka dhex muuqan doonaan haween badan oo qaban doona wasaaradaha khaarajigga , maaliyadda iyo difaacu , waxay xooga saari doontaa , ilaalinta dimuqraadiyadda , xuquuqda aadamaha , saxaafadda iyo xasiloonidda , kuwaas oo aan xukuumadi horre aanay danayn jirin .


Sidaa darteed xukuumadda Madaxwayne Muuse waxaa la gudboon xiligan oo gobolka geeska Afrika toos cagaha ula galay mashaqooyin muddo dheer socon doona ,


1- Ilaalinta doorashooyinka iyo sumcadooda .

2- Ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo xoriyadda saxafadda .

3- Dhismaha xukuumad tayo leh oo haweenku door muuqda ku yeeshaan , sida wasiiradaha arrimaha dabada iyo cadaaladda , tusaale hadii wasiirka arrimaha dabadda loo magacaabo Dr Yusur Abraar cadaaladda Raaqiya Oomaar wax badan ay bay kordhin kartaa.


4- Ugu dambayn Somaliland waxay u baahantahay xukuumad ay ku badan yihiin khuburo iyo ruug-cadaa warkoodu gaadhi karro xafiisyadda washington laakiin aan ku badnayn xaflaaha meheradda hoteeladda Hargaysa .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...