Donald Trump Oo Shaqadii Ka Eryay Xoghayihii Gaashaandhigga Mark Esper

0
Tuesday November 10, 2020 - 08:20:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Shaqadii Ka Eryay Xoghayihii Gaashaandhigga Mark Esper

    "madaxweynihii ugu horreeyay ee intii aan noolaa aan arkay ee aan isku dayayn inuu mideeyo dadka Mareykanka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"madaxweynihii ugu horreeyay ee intii aan noolaa aan arkay ee aan isku dayayn inuu mideeyo dadka Mareykanka"

Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu shaqadii ka eryay Xoghayaha Gaashaandhigga Mark Esper, isagoo bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in sarkaalkaas sare ee Ameerikaanka ah "xilkii laga qaaday".



Christopher Miller, oo ah madaxa Xarunta Qaran ee la dagaalanta argagixisada, ayaa durbadiiba xilkaas la wareegi doona.


Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii Mr Trump iyo Mr Esper ay si cad isu khilaafeen todobaadyadii la soo dhaafay.


Mr Trump ayaanan illaa hadda ogolaan in doorashada uu kaga adkaaday madaxweynaha la doortay Joe Biden, waxa uuna wacad ku maray in natiijada la shaaciyay uu maxkamad gayn doono.


Mr Esper ayaa waxa ay madaxweynaha isku-qabteen isticmaalka Aqalka Cad ee milateriga uu u adeegsaday inay ku caburiyaan deganaanshiyo la'aanta ka dhalatay dibadbaxyo loogaga soo horjeedo caddalad darrada midabka ku salaysan ee dhacayay bilowgii sanadkan.


Todobaadyo ka hor inta uusan Mr Biden la wareegin xafiiska waa 20 Janaayo-ee, ayaa Mr Trump waxa uu awood u leeyahay inuu go'aanno gaaro.


Markii dibadbaxyada ay gilgileen Mareykanka markaas oo uu ninkii madoobaa ee George Floyd ku dhintay gacmaha booliska magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, bishii May, ayuu Mr Trump waxa uu ku gooddiyay inuu milateriga u adeegsan doono in dibadbaxyadaas ku cabburiyo.


Bishii Juun, Mr Esper, oo hore uga tirsanaan jiray milateriga, ayaa sheegay in laga maarmo in ciidammada milateriga arrintaas loo adeegsado, hadalkaas oo la ogaa in Aqalka Cad uusan ka farxin.


Iskudhaca kaddib, ayaa waxaa aad la isula dhexmaray in madaxweynaha uu xilka ka qaadi doono wasiirka gaashaandhigga, sidaas oo ay tahayse xilka qaadista sarkaalkaasi ee Isniinta ayuusan Mr Trump waxba ku sababayn.


Mr Esper ayaa sidoo kale waxa ay Mr Trump isku khilaafeen habdhaqanka uu madaxweynaha ku liido gaashaanbuurta Nato.


Madaxweyne Trump ayaa mudada uu xilka hayay waxa uu xilalkii ka qaaday saraakiil dhowr ah iyo lataliyayaal, isagoo badanaa xilkaqaadista ku shaaciyaa bartiisa Twitter-ka.


Mr Esper ayaa waxa uu xilka kala wareegay Mr Jim Mattis, kaas oo 2018-kii shaqada uga tegay kala aragti duwanaansho soo kala dhexgashay isaga iyo madaxweynaha oo ay ku jirtay dagaalka Suuriya.


Bishii Juun, xilli ay soconayeen dibadbaxyo loogaga soo horjeedo cadaalad darrada ku salaysan midabka, ayuu Mr Mattis waxa uu Donald Trump ku dhaleeceeyay inuu yahay "madaxweynihii ugu horreeyay ee intii aan noolaa aan arkay ee aan isku dayayn inuu mideeyo dadka Mareykanka - xitaa aanan jilayn inuu iskuday samaynayo. Taa badalkeedana waxa uu iskudayayaa inuu ina kala qeybiyo."

 

BBC

Loading...
Loading...