Tallaal Looga Hortagayo Faayraska Corona Oo Tijaabadiisa 90% Lagu Guuleystay

0
Tuesday November 10, 2020 - 08:11:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallaal Looga Hortagayo Faayraska Corona Oo Tijaabadiisa 90% Lagu Guuleystay

    Tallaal 90% ka hortagayo Faayraska Corona ayaa la sheegay in tijabadiisa lagu guuleystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaal 90% ka hortagayo Faayraska Corona ayaa la sheegay in tijabadiisa lagu guuleystay.

Tallaakan ay laba shirkadood si wada jir ah u soo saareen ayaa la sheegay inuu awood u leeyahay 90% inuu ka hortagayo qofka inuu ku dhaca Faayraska Corona.



Shirakadaha soo saaray dawada ee Pfizer iyo BioNtec dawadan cusub ee ay heleen iney Saayniska iyo bani aadamkaba ay fursad wanaagsan u tahay.


Shirkaduhuna waxay sheegeen tallaalka iney ku tijaabiyeen 43,500 oo qof oo ku nool seddex dal lagu tijaabiyey aanna lagu arag tallaalkaasi wax saameyn caafimaad uu ku keenay dadki lagu tijaabiyey.


Shirkaduhuna waxay sheegeen tallaalkan la tijaabiyey si loo isticmaalo bishan November iney codsigooda oggolaashaha u gudbiyeen cidda ay quseyso.


Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay tijaabada tallaal aad u badan iney socdaan, hase yeeshee tallalkan tijabadiisa lagu guuleystay uu yahay kii ugu wanaagsanaa ee la soo saaray.


Tijaabooyinka tallaal ee hadda ka hor la sameeyey waxay ahaayeen kuwa horseedi jiray dhibaatooyin kale balse, tallalkan uu la falgalo cudurka taasoo sababeysa inuu difaaca jirka uu sare u kaca sidaasina uu ula dagaallamo Faayraska Corona ee jirka ku jira.


Tijaabada labaad ee tallaalkan lagu sameeyeyna wuxuu socday seddex toddobaad oo isku xigta.

Tijaabada lagu sameeyey dalalka Mareykanka, Jarm500alka, Brazil, Argentina, Koonfur-Afrika iyo Turkiga ayaana lagu ogaaday 90% tallaakan inuu cudurka uu ka hortgayo.


Shirkadaha Pfizer iyo BioNtec ee tallaalkan soo saaray waxay sheegeen ilaa iyo dabayaaqada sanadkan iney soo saarayaan 50 malyan oo tallaal ah, halka 2021-kana ay sTAllaoo saarayaan taallaal gaaraya 1.3 balyan.


Balse tallaalkan la soo saaray waxaa durbadiba soo wajahday caqabad xooggan. Caqabaddaasi oo ah tallaaka inuu u baahan yahay qabow gaaraya 80 degree.


Dhinaca kalana, tallaaka ay shirkadaha soo saareen caqabadda kale ee lagu arkay waxaa lagu sheegay iney tahay tallaalka inaan da' ahaan sida ay dadka u qaadan karaan la sheegin, iyo difaaca jirka uu tallaalka sare u qaadayo muddada ay sii jireyso oo aan la sheegin.


Dalka UK si uu tallaakan u iibsado wuxuu dalbaday 30 malyan oo tallaaka tijaabadiisa lagu guuleystay ah.

Madaxweynaha cusub ee loo dortay Mareykanka Joe Biden wuxuu yiri "Waa war aad u wanaagsan".

 

BBC

Loading...
Loading...