"Waxaan Ahay Taageerre Xulka Gobolka SOOL Ah, Berrina...." Amba. Baashe Cawil

0
Monday November 09, 2020 - 21:31:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Ahay Taageerre Xulka Gobolka SOOL Ah, Berrina...." Amba. Baashe Cawil

    "Waxaan Ahay Taageerre Xulka Gobolka SOOL Ah, Berri Garroonka Waan...." Amba. Baashe Cawil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Ahay Taageerre Xulka Gobolka SOOL Ah, Berri Garroonka Waan...." Amba. Baashe Cawil

Hargeisa(HWN):-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil ayaa Hadhimo sharafeed u sameeyay Ciyaaryahannada Xulka gobolka SOOL oo ku jira tartanka Ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka socda garroonka kubadda cagta ee Hargaysa Stadium.



"Waxa innala jooga Ciyaartoyga Xulka gobolka SOOL, oo siddii horeba loo sheegay ah Xul aan Anigu si gaar ah u taageero, waxaanna aad ii soo jiitay Kubadda quruxda badan ee ay la yimaaddeen, waanan ku faraxsannahay sida aad iiga ajiibteen Martiqaadkan." Ayuu yidhi Ambassador Baashe Cawil.


Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Anigu Berri haddii Alle ka dhigo goor horeba waxaan iska xaaddirin doonnaa Garoonka Hargaysa Stadium si aan u noqdo taageerre wayn oo dhiiri-geliya Ciyaartoyga, waxaannan idin rajaynayaa guul. Maamulka iyo Ciyaartoygaba mar kale waxaan idinka mahad-naqayaa sida wanaagsan ee aad iiga aqbasheen Casuumaddan." ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassaddor Baashe Cawil.

Loading...
Loading...