Xulka Gobolka Maroodijeex oo u gudbay Semi-Finalka Ciyaaraha Gobollada iyo Xulka ay is-wajahayaan

0
Monday November 09, 2020 - 21:12:48 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Gobolka Maroodijeex oo u gudbay Semi-Finalka Ciyaaraha Gobollada iyo Xulka ay is-wajahayaan

    Xulka Gobolka Maroodijeex oo u gudbay Semi-Finalka Ciyaaraha Gobollada iyo Xulka ay is-wajahayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Gobolka Maroodijeex oo u gudbay Semi-Finalka Ciyaaraha Gobollada iyo Xulka ay is-wajahayaan

Hargeisa(HWN):-Xulka Gobolka Maroodijeex, ayaa u gudbay wareegga Semi-finalka ama Afar-dhammaadka ee Tartanka koobka Kubadda Cagta ee Horyaalka Gobollada Somaliland, kaddib markii ay dirqi kaga badiyeen xulka gobolka Awdal.


Ciyaar xiiso badan oo ciyaartoyga labada xul qaab-ciyaareed qurux badan oo loo bogay ku soo bandhigeen, ayaa gelinkii dambe ee maanta garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa ku dhexmartay xulalka gobollada Awdal iyo Maroodijeex.
Xulka Gobolka Maroodi-Jeex Oo U Gudbay Wareega Afar Dhamaadka Kadib Markii 2 Iyo 1 Ay Kaga Badiyeen Awdal – somalilandtoday.com

Ciyaarta maanta oo si toos ah looga socday Daafaha Dunida, waxa ay labada xulba soo bandhigeen qaab-ciyaareed qurux iyo dedaal badan isku darsaday oo labaa dhinacba ku dadaaleen inay guul ka gaadhan kulanka oo xulka guushu raacdaa u gudbayey wareegga Semi-Finalka.

Qaybta hore ee kulanka ayaa ku dhammaatay 1-0 uu xulka Maroodijeex ku hoggaaminayey ciyaarta, haseyeeshee qaybtii dambe waxa xulka gobolka Awdal u suurtagalay inay keensadaan gool barbar-dhac ah, waxaanay ciyaartu isku beddeshay 1-1.

Haseyeeshee, dedaallo is-daba joog ah oo labada xulba isk dayeen inay ku keensadaa goolasha guusha kaddib, waxa xulka gobolka Maroodijeex u suurta-galay inay daqiiqaddii 87aad ee ciyaarta keensadaan gool labaad, taas oo sababay inay ciyaarto markii dambe ku dhammaato 2-1 xulka gobolka Maroodijeex guushu ku raacday.

Wareegga Quarter-finalka ama Siddeed-dhammaadka oo bilaabmay shalay, waxa ka gudbay oo xulka gobolka Maroodijeex ku weheliya xulka gobolka Hawd oo ciyaar Adag oo Rikoodheyaal gaadhay ku dhexmaray xulka gobolka Badhan, kaddib markii ay isla dhaafi waayeen 1-1, waxaanay markii dambe guushu raacday xulka gobolka Awdal oo ku badiyey 4-3 Gool-ku-laadasho.

Wareegga Afar-dhammaadka ama Semi-Finalka ee Tartanka kubadda Cagta ee Somaliland, ayaa bilaabmi doona Maalinta Jimcaha ee taariikhdu ku beegan tahay 13-ka November 2020, waxaana lagu furi doona Xulka Gobolka Hawd oo ay is-haleeli doonaan xulka ka soo baxa ee badiya ciyaarta ay maalinta Berri ah isku haleeli doonaan Xulalka gobollada Daadmadheedh iyo Sool, halka xulka gobolka Maroodijeex ay wada-ciyaari doonaan xulka ka soo baxa ciyaarta maalinta Arbacada dhexmari doonta xulalka gobollada Gabiley iyo Xaysimo.

Hawd vs Daadmadheedh/Sool
Maroodijeex vs Gabiley/Xaysimo.


Loading...
Loading...