Ciyaartii Dhexmartay Hawd Iyo Badhan Oo Ifka U Soo Saartay Fashilka Iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya Taliska Muuse Biixi Ee Hargeysa

0
Sunday November 08, 2020 - 19:41:40 in News by
  • Visits: 2633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartii Dhexmartay Hawd Iyo Badhan Oo Ifka U Soo Saartay Fashilka Iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya Taliska Muuse Biixi Ee Hargeysa

    Ciyaartii Dhexmartay Hawd Iyo Badhan Oo Ifka U Soo Saartay Fashilka Iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya Taliska Muuse Biixi Ee Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaartii Dhexmartay Hawd Iyo Badhan Oo Ifka U Soo Saartay Fashilka Iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya Taliska Muuse Biixi Ee Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Tartanka ciyaaraha gobolada somaliland wareegii labaad ayey soo foodsaareen fadeexado qaawiyey wax qabad la,aanta xukuumada Muuse Biixi.


Kulan ka tirsan wareega labaad ee ciyaaraha gobolada somaliland oo maanta ay iskaga horyimaadeen gobolada Hawd Iyo Badhan ayaa dibada u soo saaray fadeeqadaha dul hoganaya wasaarada ciyaaraha oo aanay jirin wax qabad lagu bogaadin karo oo ay kala siman tahay guud ahaan xukuumada Muuse Biixi.



Ciyaartii Badhan iyo Hawd oo laysla dhaafi waayey barbar dhac min hal gool ah ayaa lagu daray wakhti dheeraad ah isla markaana gaadhay in lagu kala baxo rikoodhayaal toos ah oo ciyaartoyga labada gobol loo dhigay.


Cadceeda oo dhacday ayaa sababtay in garoonku madow noqdo taas oo loo baahday laydh suuragaliya in rikoodhayaasha la dhamaystiro balse, garoonka oo aan lahayn khashaafado ku filan ayaa sababtay in laambad weyn laysla daba istaago goolkii rikoodhayaasha lagu laadayey taas oo noqotay fadeexad qaawan oo sumcad xumo baahsan u horseeday xukuumada fadhiidka noqotay ee ka talisa somaliland.


Xukuumada Muuse Biixi oo maamusha miisaaniyad malaayiin doolar ah ayaa hadana awoodi wayday inay garoonka ugu weyn dalka ee Hargeysa Stadium ay ku xidho khashaafado iftiimaya kuwaas oo ay xataa awoodaan dadka samaysta garoomada ganacsiga ah ee caasimada kuwaas oo xiliyada dambe ee habeenkii lagu ciyaaro.


Si kastaba ha ahaatee foolxumadii maanta ka dhacday garoonka Hargeysa Stadium ayaa tusaale cad u ah fashilka wax qabad la,aaneed ee dul hoganaya Muuse Biixi iyo xukuumadiisa, iyada oo shacabka somaliland fariimo cadho leh ay u marinayaan baraha bulshada.


Shacabka ayaa ku doodaya in xukuumada Muuse Biixi ee miisaaniyada malaayiinka doolar ah ka samayn kari wayday khashaafado lagu xidho garoonka caasimadu aanay keeni Karin wax qabad intaas ka balaadhan oo laga filan karo, waxaanay bulshadu si cadho leh ugu canaanayaan xukuumada in musuqa laga daayo cashuurta dadweynaha laga qaado ee loogu tala galay in baahiyahooda wax lagaga qabto.



Loading...
Loading...