Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Go'aanka Xukuumaddu Ku Joojinayso Gaadiidka Vits-ta

0
Sunday November 08, 2020 - 19:33:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Go'aanka Xukuumaddu Ku Joojinayso Gaadiidka Vits-ta

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Go'aanka Xukuumaddu Ku Joojinayso Gaadiidka Vits-ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Go'aanka Xukuumaddu Ku Joojinayso Gaadiidka Vits-ta

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI Md Maxamed Sidiiq Dhamme, ayaa sheegay in go'aanka Xukuumadda Muuse Biixi ku joojinayso gaadiidka yar yar ee Vits-ta loo yaqaano uu yahay go'aan ka arradan dawladnimadda, isla markaanna ah Axmaqnimo ay Xukuumaddu kula kacayso bulshaddeeda.


Xoghayaha Arrimaha Bulshadda ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay gaadiidka Vits-ta u taqaan mid aan manfac dalka u lahayn, halka ay bulshadduna gaadiidkaas u taqaan mid Manfac leh oo kumannaan dhalinyaro ahi ay ka Masruufaan Qoysaskoodda.
Maxamed Sadiiq Dhame oo maalintii 40-aad xabsi ku jira | Caasimada Online

"Fadhigii 66aad ee golaha Wasiirrada waxa lagu go'aamiyay in la joojiyo Gaadiidka Vits-ta, waxaannu u aragnaa Xisbi ahaan tallaabo ka arradan dawladnimadda, waanna go'aan Axmaqnimo ah, waanna mid lagu curyaaminnaayo Dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka dhalinyaradda. Gaadiidka Vits-ta ee Xukuumaddu sheegtay inay joojinayso soo dejintoodda, waa Gaadiid laf-dhabar u ah Dhaqaalaha Somaliland, waanna Gaadiid ay Shaqo la'aantii iyo Tahriibtii ay kaga badbaaddeen Kumannaan dhalinyarro ah oo reer Somaliland ah, waxaannay Gaadiidkaasi dabka u shiddaan ku dhawaad Soddon kun oo Qoys sida aannu xogta ku hayno, waxaanna habboon in la yarreeyo Gaadiidka raaxadda ee V8-ka loo yaqaan ee ay Xukuumaddu ku Xaragooto ee Boqollaalka Kun ee Doollar la soo siiyo, kuwaasoo innaga isticmaala Shiddaal badan.

Madaxweynaha Tansania waxa uu ku amray Golaha Wasiirradiisa isagoo u danaynaaya Shacabkiisa in la Xaraasho Gaadiidka V8-ka loo yaqaano ee raaxadda ah, waxaannu amray inaan lala soo degi karin gaadiidkaas qaaligga ah, halkaas waxaad ka garanaysaa Xukuumadda shacabkeedda danaynaysa iyo Xukuumadda dannaheedda uun waxkasta ku salaynaysa.

Xukuumadda waxa u yaalla go'aanno ka waa wayn inay Vits-ta joojiyo iyo inay Dhaqaalaha curyaamiso, waxa u yaalla inay wax ka qabato arrimaha aasaasiga ah sida Caafimaadka, Waddo xumida, Biyo la'aanta iyo Waxbarashadda tayadda xun ee dalkeenna ka jirta. Waxa uu sheegay Wasiirka Gaadiidku in Vits-tu wax u dhibaan Amniga dalka, laakiin waxaan u sheegayaa inaan Gaadiidku danbi gellin hadduu yahay Vits iyo haddii yahay V8-ka, waxa danbiga gallaa waa dadka, in danbiga la yarreeyaa waxa uu saarran yahay Xukuumadda, in qofka Liisankiisa iyo Xirfaddiisa tayo loo yeellaa oo la hubbiyaa waxa uu Xilkaasi saarran yahay Xukuumadda." Ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Bulshadda ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme
Waxaannu intaas ku daray oo uu yidh "Tallaabada joojinta gaadiidka VITZ-ta waa go’aan dawladnimada ka arradan oo muujinaya axmaqnimo iyo arxandarro maamul.

Xukuumaddu waxay u taqaan VITZ-ta gaadhi aan manfac lahayn, shacabkuna waxay ogyihiin in V8-ka wasiirradu ku raaxaystaan aanu manfac inoo lahan dhaqaale ahaan. Waxa ku nool kumanaan qoys, waxa shaqo abuur ka helay dhallinyaro badan, VITZ-tu waxay badbaadisay bilaa camal badan oo Tahriibi lahaa.” Ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Bulshadda ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme

Loading...
Loading...