Deni Oo Soo Gaabiyay Safarkiisi Dubai Sababa La Xiriira Mooshinka Ka Socda Magaalada Garoowe

0
Sunday November 08, 2020 - 12:32:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni Oo Soo Gaabiyay Safarkiisi Dubai Sababa La Xiriira Mooshinka Ka Socda Magaalada Garoowe

    Madaxtooyada Puntland, ayaa ogaatay in tan iyo xalay ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Puntland, ayaa ogaatay in tan iyo xalay ay

Maxuu ku qotomaa safarka MW Dani uu ku tegay M/Boosaaso? – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo gaabiyay safar uu ku joogay magaalada Dubai ee xarunta Ganacsiga Imaaraatiga Carbeed, kadib markii uu dib u soo laba-kacleeyay mooshin culus oo ka dhan ah labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka Puntland.

 

Madaxtooyada Puntland, ayaa ogaatay in tan iyo xalay ay xildhibaanno badan saxiixeen mooshinka la doonayo in xilka looga qaado labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka Xil. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Xil. Ismaaciil Maxamed Warsame.

 

Mooshinka oo la kowsaday Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa bilowgii la kulmay fara-gelin xooggan oo uga timid Madaxtooyada, taas oo hor-istaag ku samaysay in mooshinka loo gudbiyo Fadhiga Golaha Wakiilada.

Waxaase mooshinku mar kale dib u soo laba-kacleeyay habeennimadii xalay, kadib markii ay saxiixeen xildhibaanno aad uga badan kuwii hore u soo gudbiyay, islamarkaana doonaya in ay Isniinta berri ah hor-geeyaan Fadhiga Baarlamanka.

 

Madaxweyne Deni, oo isna soo gaabiyay safarkiisi dibadda, ayaa Isniinta berri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana la sheegay in uu iska soo hor-mariyay Taleefon, isagoo codsanaya in mooshinka dib loo dhigo inta uu ka imaanayo.

 


Loading...
Loading...