Cabdi Jimcaale oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0
Sunday November 08, 2020 - 11:46:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Jimcaale oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

    Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa Goobta ka baxsaday falka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa Goobta ka baxsaday falka


Cabdi Jimcaale oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay Xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool halkaas.

 

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Jimaale Bosska, waxaana burcadda ay toogteen xili uu ku sugnaa xaafadda Elsis Magalada Cape-Town ee Koonfur Afrika.

 

Ragii hubeysnaa ee Burcada ahaa ayaa Goobta ka baxsaday falka dib, waxaana durbo halkaas tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka Agdhawaa, iyagoona ka qaaday Meydka Marxuumka.

Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu sheegay in MarxuumCabdi uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee kunoolaa xaafadda Elsis Magalada Cape-Town.

 

Shalay ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday Toorey lagu dhaawacay Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa xaafadda Bredasdorp ee hoostegta Cape Town, isla markaana waxaa boob xoogan loo geystay goobo ganacsi ah oo ay lahaayeen Muwaadiniinta.

 

Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilal loo geystaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2020 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.


Loading...
Loading...