Musharixiinta Madaxweynaha oo qaadacay ka qeyb-galka doorashooyinka sababtana shaaciyay

0
Sunday November 08, 2020 - 11:29:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharixiinta Madaxweynaha oo qaadacay ka qeyb-galka doorashooyinka sababtana shaaciyay

    Waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista




Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa War Cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha dowladda oo lagu heshiiyay in waqtigii loogu tala-galay ay ku dhacdo.

 

Qoraal kasoo baxay Musharaxiin dhowr ah ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA.

 

Musharaxiinta Qoraalka soo saaray ayaa waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale.

" Waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka” ayuu lagu yiri Qoraalka.

 

Madasha Xisbiyada Qaran oo xalay soo saaray Qoraal ayay ku Cambaareeyeen Guddiyada Doorashada heer Federaal, iyagoona sheegay in xubnaha Guddiga ay ka tirsan yihiin Hay’addaha NISA iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka, taasina ay baalmarsan tahay Shuruucda u yaalla dalka.





Loading...
Loading...