Trump Oo Aqalka Cad Ku Soo Laabtay Isaga Oo Madaxa Laalaadinaya
ee looga arrimiyo dalka Mareykanka kaddib saacado uu ku maqnaa goob
lagu cayaaro ciyaarta golf-ka.
Trump
ayaa dhismaha Aqalka Cad qaab qarsoodi ahaan ah ka soo galay albaab dhinac ku
yaal isaga oo niyad jab weyn uu ka muuqdo isla markaana madaxa hoos u
raaricinaya.
Kolonyada baabuurtii uu la socday ayaa waxaa ku buuqay oo fowdeeyay dad shacab ah oo u dabbaaldegayay guuldarradii uu kala kulmay doorashada.
Inkastoo Trump la filayo in uusan caawa wax hadal ah jeedin, haddana kooxda u xilsaaran ololihiisa doorashada ayaa Biden ku eedeeyay in uu ka been sheegay guusha uu tirsanayo.
Kooxda
Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay ku andacoonayay in doorashadu ay hareysay
khaladaad badan balse marnaba ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah.
Inta
badan xubnaha sar-sare ee xisbigiisa Jamhuuriga ka gaasbaday in ay ka hadlaan
guuldarrada Trump balse Mitt Romney oo ka tirsan aqalka sare ee dalkaasi ayaa
durbaba u hambalyeeyay Biden.
Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in isagu uu yahay musharraxa ku guuleystay doorashada.
BBC