Joe Biden Oo La Hadlay Dadweynaha Mareyakanka

0
Sunday November 08, 2020 - 07:59:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joe Biden Oo La Hadlay Dadweynaha Mareyakanka

    ... Biden oo 78 sano jira ayaa loo saadilanayaa inuu noqdo madaxweynihii 46aad ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

... Biden oo 78 sano jira ayaa loo saadilanayaa inuu noqdo madaxweynihii 46aad ...

Ninka loo saadaalinayo inuu ku guulastay xilka madaxaweynimo ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay khudbad uu ku sheegtay guushiisa madaxtinimada u jeediday shacabka Mareykanka.

 

Isagoo kumanaan dad ah oo aad u faraxsan kula hadlayay magaalada Wilmington ee gobolka Delaware, ayuu u mahadceliyay shacabka Mareykanka kuwa isaga doortay iyo kuwa aan dooranin, isagoo sheegay in dadweynaha Mareykanka ay hadleen isalamarkaana ay isaga siiyeen guul cad oo qanaaco leh, taas oo ah mid shacabka usoo hoyatay sida uu hadalka u dhigay.

 

Biden ayaa ballanqaaday inuu soo celin doono ruuxdii America islamarkaana uu dhisi doono lafdhabarta qaranka oo uu ku sheegay inay yihiin dadka dabaqadda dhexe ee shaqeeya.

 

Wuxuu intaasi kusoo daray inuu soo celin doono sumcaddii mareykanka uu ku lahaa caalamka islamarkaana uu xoogga saari doono sidii u mideyn lahaa shacabka Mareykanka.

 

Waxuu si gaar ah ugu mahad celiyay dadka madow ee African American-ka ah oo sheegay inay lafdhabar u ahaayeen guulihiisa.

 

Biden ayaa sheegay inuu Ahmiyaddiisa koowaad siin doono dagaalka ka dhanka Covid19 islamarkaana uu ka hormarsiin doono dhaqaalaha, isagoo intaa ku daray inuu magacaabi doono Isniinta soo socota guddi isugu jira Saynisyahanno iyo quburro caafimaad oo kala talin doona xakameynta Cororonavirus.

 

Biden oo 78 sano jira ayaa loo saadilanayaa inuu noqdo madaxweynihii 46aad ee iyo madaxweynihii ugu da’ada weynaa ee soo mara taariikhda Mareykanka.

 

VOA


Loading...
Loading...