Xukuumadda Biixi Oo Wali Iska Indho-tiraysa Ahmiyadda Gaadiidka Vits-ta

0
Saturday November 07, 2020 - 18:07:16 in News by A. Asbaro
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Biixi Oo Wali Iska Indho-tiraysa Ahmiyadda Gaadiidka Vits-ta

    Xukuumadda Biixi Oo Wali Iska Indho-tiraysa Ahmiyadda Ay Gaadiidka Vits-tu Leeyihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Biixi Oo Wali Iska Indho-tiraysa Ahmiyadda Ay Gaadiidka Vits-tu Leeyihiin

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababaha ay u joojiyeen gaadiidka Vitz-ta ay ugu weyn tahay dhinaca Ammaanka iyo weliba shilalkooda oo badan.



Wasiirka Abokor, Wuxu intaas ku daray in aan weli si rasmiya loo joojin ee la siin doono muddo si kuwa Maraakiibta soo saaran u soo gaadhaan dalka.

Wasiirku, waxa kale oo uu sheegay in gaadiidka hadda dalka ku sugan aanu saamayn ku yeelan doonin go’aanka isteeranka (shokaanta) lagaga bedelayo Gaadiidka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Gaadiidka ee Xukuumadda Muuse Biixi ayaa iska indho-tiray Manfaca iyo Shaqo abuurka uu gaadiidkani dalka u leeyahay, kuwaasoo ay Kumannaan dhalinyaro ahi ku shaqaystaan oo ay kala soo baxaan Masaariifta Qoysaskoodda, balse waxa ay u muuqataa inaanay Xukuumadda Biixi darreensanayn amaba aannay wax ahmiyad ah siinnayn gaadiidkan Vits-ta loo yaqaanno, waxaanna jirta fal-celin xooggan oo bulshadda Somaliland kaga soo horjeeddaan go'aanka Xukuumaddu ku joojinayso gaadiidkan yar yar.


Loading...
Loading...