WADDANI Oo Booliska Ugu Baaqay Inay Soo Qabtaan Ruux Dil Ugu Hanjabay Afhayeenka Xisbigaas

0
Saturday November 07, 2020 - 16:46:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Oo Booliska Ugu Baaqay Inay Soo Qabtaan Ruux Dil Ugu Hanjabay Afhayeenka Xisbigaas

    WADDANI Oo Booliska Ugu Baaqay Inay Soo Qabtaan Ruux Dil Ugu Hanjabay Afhayeenka Xisbigaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WADDANI Oo Booliska Ugu Baaqay Inay Soo Qabtaan Ruux Dil Ugu Hanjabay Afhayeenka Xisbigaas

Hargeisa(HWN):-Xisbiga WADDANI ayaa Xukuumadda Muuse Biixi iyo Hay'addaha Amniga ku eeddeeyay inay ka gaabiyeen soo qabashadda ruuxii dilka ugu hanjabay Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun.


Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Faarax ayaa sheegay in Hay'adda Amnigu ay garowsaddeen ruuxii dilka ugu hanjabay Afhayeen Barkhad Batuun, waxaannu sheegay in Hay'addaha Amnigu ay uga gaabiyeen Haybta uu yahay ruuxaasi.
Waxa Nasiib-Daro Ah In Ilaa Hadda Oo Aynu Ognahay Xanuunkaasi Aduunka Faraha Baas Ee Uu Ku Hayo Inaynaan Xakamaynin Hawadeeniiā€¯ Xisbiga Waddani | HAATUF ONLINE

"Dacwaddaasi waxay ahayd Hanjabbaad loo soo hanjabay Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, dacwaddaas waxaannu gaynay Wasaaradda arrimaha dibadda, Xafiiska Guddoomiyaha gobolka, Xeer ilaalinta, CID-da iyo Taliska guud ee Ciiddanka Booliska, waxaanna ka soo wareegtay muddo saddex billood ah.

Dacwaddaas waxaannu u gudbinay inaanu marno nidaamkii Sharciga, markaa intii hore CID-da waxaannu kala shaqaynaynay siddii ruuxaas dilka ku Hanjabay loo aqoonsan lahaa, laakiin markii la helay ee la aqoonsadday ee la ogaadday meesha uu deggen yahay, waxa bilaabatay dib u gurasho ah cidda uu noqday, waxa yaab ah goorma ayay Somaliland ka bilaabatay Mareexaannimaddii Siyaad Barre lagu sheegi jirey oo la odhan jirey Inankaasi waa Mareexaannoo baddiisa lama galo, arrintaasi waa samcad-daro Somaliland ku habsatay.

Ciiddankeennu inta ay qabanayaan Inan yarroo Xamar ka soo heesay ama mid Funnaanad bulluuga xidhay, maxay u soo qaban waayeen Ninka dilka ku Hanjabay ee Hotel Guuleed dibaddiisa deggen? Miyuu sharciga Somaliland u yaalla ka waynaadday? Arrintaasi waa ceeb iyo fool-xumo wayn, haddiise Sharciga la hor keenni waayo oo la soo qaban waayo, waxaannu bulshadda la wadaagi doonnaa Sawirkiisa iyo beesha uu ka soo jeeddo." Ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI.

Loading...
Loading...