Gobolkii eeday Somaliland; Togdheer...W/Q Cabdisalaan Maxamed

0
Saturday November 07, 2020 - 16:16:19 in Articles by
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolkii eeday Somaliland; Togdheer...W/Q Cabdisalaan Maxamed

    Gobolkii eeday Somaliland; Togdheer...W/Q Cabdisalaan Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobolkii eeday Somaliland; Togdheer...W/Q Cabdisalaan Maxamed

Togdheer oo ka mid ah labadii gobol ee gobollada Waqooyi la isku odhan jiray, waxa uu ka koobnaa markii dawledda dhexe ee Soomaaliya duntay afar degmo; Burco, Buuhoodle, Oodwayne iyo Sheekh. Waxa uu ahaa gobol horumarkiisa leh. Gobol xoolaha u gu badan ee Soomaali lee dahay lagu iibiyo. Gobol dakhligiisu kuwa u gu sarreeyo ku jiro. Gobol damiir ahaan, aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaan ba dadkiisu dhisan yihiin. Waxa uu ahaa gobol ka tilmaaman gobollada qayrkiisa ah.
Jiritaanka Somaliland se waa gobol eeday, oo guud ahaan degmooyinkiisii waxa laga dhigay wax gobol kale lagu daray iyo wax iskood loo jaray oo bannaan cidlo ah lagu gabawaray. Waxa keli ah soo hadhay na waa degmadii Burco ee xuddunta u ahayd gobolka. Iyadii na waxa loo kala qaybiyay bari iyo galbeed. Si aan marna ba iskuduubnideeda loo arag. Horumarka Somaliland oo idil waa ka qatan yahay gobolkaasi. Intii uu hore u lahaa oo idil na waa laga dumiyay, oo degmooyin kale ayaa gosha loogu guray.


Xoolaha Somaliland ka dhoofa inta u gu badan waxa lagu iibiyaa sayladda Burco. Hadda na, cashuurta laga qaado xoolahaas waxa lagu naasnuujiyaa Barbera. Weli ba 10% baad ah looga jaraa. Dadka reer Burco cashuurta shakhsiga ah ee laga qaado, waxa lagu biilaa tuulooyin galbeedka ku yaalla. Qaadka Kalabaydh lagu cashuuro, haddii 250, 000 qof oo reer burco ahi min mijin u iibsadaan, cashuurbixiyaha qaadka ee Somaliland Burco intee bay ka noqonaysaa? Illeen cashuurbixiyuhu waa qoka u gu danbeeyay ee cunaya ama isticmaalaya shayga la cashuuray e.
Ogow oo, waa la idinku ag cashuuraa oo keli ah baa Gebilay 10% loogu jaraa, xoolaha Burco lagu cuno. Barbera na waa la idinka soo ag dejiyaa ama la idinka ag dhoofiyaa baa 10% loogu jaraa xoolaha Burco lagu cuno. Waxaas oo dhan waxa loogu beddelay na waxa uu noqday magaaladii Burco ahayd, cay iyo aflegaaddo. Taas waxa ka daran, waxa xukuumad kastaa ka soo xulataa inta u gu liitada. Si koobka liidashada ee gobolkaas lagu qulaamiyaa aanu isu dhimin. Hadda na, kuwii waxaas oo idil ku sameeyay ayaa eedeeya bulshada gobolkaas ku dhaqan.

Dadwaynihii Burco waxa laga dhigay kuwo isu uraya. Islaamaha ayaa odhan jiray dhoorraydu way isu urtaa e. Cidda isu bahalo galisay na waa in iyaga ka mid ah, iyo koox ay u shaqeeyaan. Oday qaadhaancun ah, oo shaqadiisu tahay naarafuufnimo, siyaasi faashil ah oo geed uu ku gabbado la', dhagarqabe cid uu isku looho oo uu ku dhuunto raadinaya iyo jaahil saddexdaas hanbadooda cunayaa magaaladaas lagu tumaa! Waxa taas ka daran in intaasi Burco ka soo jeedaan. Cidda ku garaacaysaa na waa kooxda fadhida gurigii Moorgan. Reer Burco se ma aysan fahmin.
Maanta se, waxa la joogaa waqtigii dhallinyarada reer Burco iswaydiin lahayd; Somaliland maxaa dan ah oo inoogu jirta? Maxaynu ka dheefnay 30 ka sano ee in ay jirtay la sheego, ma ba ay wada jirin e? Ma waxa inoo naf ah, waxa aad tihiin hooyada Somaliland iyada oo hoygii laga ga dhawaaqay magacaasi ba kharaabad bahalo galeen ah yahay? Ma waxa inoo dadnimo ah, in la ina yidhaahdo waxa idinka soo jeeda halyeeyada Somaliland iyada oo ubadkii halyeeyadaasi darxumo u gu dhimanayaan Burco gudaheeda? Bal sii wada oo su'aalahan iyo kuwo ka daran ba reer Burco gaar ahaan dhallinyaradu ha is waydiiyaan. Jawaabahooda na ha raadiyaan, cirka na ha la gashee!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...