Xaalada Itoobiya Gashay Oo Ka Sii Daraysa Iyo Isbarbardhiga Awooda Tigrey-ga Iyo Federaalka....Warbixin

0
Saturday November 07, 2020 - 15:57:41 in News by
  • Visits: 3338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Itoobiya Gashay Oo Ka Sii Daraysa Iyo Isbarbardhiga Awooda Tigrey-ga Iyo Federaalka....Warbixin

    Xaalada Itoobiya Gashay Oo Ka Sii Daraysa Iyo Isbarbardhiga Awooda Tigrey-ga Iyo Federaalka....Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Itoobiya Gashay Oo Ka Sii Daraysa Iyo Isbarbardhiga Awooda Tigrey-ga Iyo Federaalka....Warbixin


Hargeysa(HWN):-Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in xaalad degdeg ah oo lix bilood qaadan doonta la geliyay gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Tigray. Golaha wasiirrada ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in xaaladdan degdegga ah looga gol leeyahay in lagu sugo nabadda, badqabka iyo ammaanka shacabka iyo si looga hortago falal dalka u horseedi kara qas iyo xasilooni darro.




Wuxuu goluhu sheegay in xaaladda gobolka Tigray aana lagu xakameyn karin xoojinta sharciga caadiga ah balse ay lama huraan tahay awood dawladeed oo lagu xakameeyo xaaladdaasi. Tallaabadan ayaa ka dambeysay cadho ka dhalatay weerar ay maleeyshiyaad kasoo jeeda Tigray-gu ku qaadeen saldhig milatari oo federaalku leeyahay. Arrintani waxa ay cirka ku shareertay xiisadda dalkaasi Itoobiya oo gaadhay in dagaal rasmi ahi ka dhex qarxo labada dhinac.


Raii’sal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa weerarkaas kaddib amar ku bixiyay in militariga dalkiisu in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigrayga oo ku eedeeyay inay dagaal billaabeen. Qoraal uu shalay galab ku baahiyey mareegtiisa Twitterka waxa uu ku yidhi sidan: "TPLF waxa ay weerartay xero difaac oo ku taalla Tigray. Waxa ay isku dayayaan in ay inay dhibaato ka dhacdo Waqooyiga dalka. Ciidanka Itoobiya waxa ay ilaalinayeen shacabka Tigray in kabadan labaatan sano. Laakiin kooxda TPLF waxay u aragtaa inay yihiin ciidan shisheeye iyo duullaan. Kooxda TPLF waxa ay u dhaqeeyaan inay laayaan oo dhacaan ciidanka. Dagaal ayaa ka qarxay Dalshax. Dawladdu way dulqaadaneysay iyada oo ujeedkeedu ahaa in aan waxyeello loo geysan shacabka Tigreega. Dagaalku kuma koobna hal dhinac oo keliya. Ciidankeenna Difaaca, waxaa lagu amray inay gutaan waajibaadkooda si ay u badbaadiyaan dalka. Khadkii ugu dambeeyay ee khadka cas ahaa ayaa la soo dhaafay. Awooddu waa meesha ugu dambeysa ee lagu badbaadin karayo dalka iyo dadka taasaanan qaadanay. Waxaan ugu baaqayaa shacabka Itoobiya inay isdajiyaan, oo ay feejignaadaan dhibaatooyinka ka imaan kara, ayna garab istaagaan ciidamadeenna difaaca” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaraha waddanka Tigrey. Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa hareereeyey Magaalada Maqale oo shalay illaa xalay laga maqlayay rasaasta culus ee la is waydaarsanayo. Halka ciidamo badan oo Tigree ah la soo dhoobay waddooyinka u dhaw magaalada Maqale.


Awoodda Milatari ee Tigraay:


Gobolka Tigraay waxa ay taariikh weyn ku leeyihiin dhinaca halganka iyo gobanimo doonkii ay muddoda dheer u soo galeen is baddalka Itoobiya waxaana la sheegaa in Jabhaddoodii TPLF iyo kuwii ka horreeyey ee deegaankani ay ku dhawaad 40 sano halgan dhiig badani ku daatay u soo galeen. Waa Gobolka uu ka soo jeedo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi. Lama hayo tirada sugan ee Tigreega balse warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda la socodka xasaradaha dunidu waxa ay ku sheegtay in ay Gobolkani haystaan ku dhawaad 80 kun oo Askari, kuwaasi oo ku sugan 12 goobood oo ku kala yaalla daafaha Tigraay. Waxa ay haystaan diyaarado dagaal, Taangiyo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 130 Taangi oo Casri ah iyo saanad Milatari oo aad u heer sarraysa iyada oo badiba ciidanka Tigraay la dhisay mudadii Zenawi dalka ka talinayay oo ay haysteen taliska guud ee ciidamada Itoobiya iyo awoodda dalka.


Tigraay Waa Dawlad Goboleed Noocee Ah.


Tigraay waa Gobol ka mid ah sagaalka Gobol ee dalka Itoobiya waxaanu ku yaallaa woqooyiga waddankaasi. Tirade shacabka Tigraay waxa ay dhan tahay 5 Milyan sida ay sheegtay diiwaan galintii ugu dambaysay ee dalka Itoobiya laga sameeyaa. Caasimadda Gobolku waa Maqale (Mekelle) oo ka mid ah magaalooyinka ugu horreeya dalka Itoobiya iyada oo ay magaaladani aad u dhisantay muddadii dheerayd ee ay Tigreegu hayeen talada dalka Itoobiya. Qawmiyadaha Gobolka Tograay ku nool waxa ugu waaweyn saddexda qawmiyadood ee kala ah Tigrayaan, Iroob iyo Kunaama. Waxaana Gobolkan ku yaalla saldhigyo Milatari oo waaweyn sida kuwa ciidamada dhulka iyo kuwa ciidanka Cirka.


Ugu dambayn Siyaasiyiinta xisbiga TPLF eek a arrimiya Gobolka Tigraay waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas oo xad la wadaaga Eretariya uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya balse imika ay ku dhawdahay in ay xataa ku dhawaaqaan in ay ka go’een Itoobiya. Halka ay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeedheen "ismaamulka iyaga u gaarka ah. Waxay Dr Abiy Axmed ku eedeeyeen inuu isku dayayo sidii uu ku sameysan lahaa dowlad sal adag oo uu muddo dheer xukunkeeda haysto.


Madaxweynaha maamulka dawlad deegaanka Tigraay Debretsion Gebremichael oo xalay u jawaabay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa warbaahinta u sheegay sidan: "Waligeen ma taageeri doonno qof walba oo ujeeddadiisu tahay inuu kala dhantaalo xaqa aan dadaalka dheer usoo galnay ee ah inaan ismaamulno iyo inaan go’aan gaar noo ah lahaanno, ma doonayno in aannu waxyeelo u gaysanno Itoobiya balse marnaba aqbali mayno khasab iyo handadaad aannaan aqbali Karin. Waanu naqaanaa sida loo dagaalamo, sida sharaf loogu noolaado mana aqbali doono maxmiyad dusha naga qabsata” ayuu yidhi Debretsion Gebremichael.


Loading...
Loading...