Go'aanka Lagu Joojiyey Gaadiidka Vitz Miyaa Loogu Danaynayaa Shirka Trafigura Ee Heshiiska Shiidaal Lala Galay?

0
Saturday November 07, 2020 - 15:37:32 in News by
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aanka Lagu Joojiyey Gaadiidka Vitz Miyaa Loogu Danaynayaa Shirka Trafigura Ee Heshiiska Shiidaal Lala Galay?

    Go'aanka Lagu Joojiyey Gaadiidka Vitz Miyaa Loogu Danaynayaa Shirka Trafigura Ee Heshiiska Shiidaal Lala Galay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Go'aanka Lagu Joojiyey Gaadiidka Vitz Miyaa Loogu Danaynayaa Shirka Trafigura Ee Heshiiska Shiidaal Lala Galay?



Go’aankii shalay kasoo baxay golaha wasiiradda ee lagu mabnuucay in dalka la keeno gadiidka Vitz iyo gadiidka midigta lagu wado shookanta ee guran.

Hadii aad eegto go’aanka shalay lagu mabnuucay in dalka la keeno gaadhiga Vitz oo ay xukuumadu ku sheegtay gaadhi aan manfac u lahayn shacabka isaga gabi ahaanba waa laga mabnuucay in uu dalka yimaado xataa hadii uu yahay mid shookanta ku leh dhinaxa bidix oo lagu wadaayo bidixda geerkana lagu isticmaalayo midigta.

Waa qodobka ilaa maanta dad badan oo aan la kulmay ka daadagi waayay in gabi ahaaba gaadhiga Vitz dalka laga joojiyo iyada oo aan la sheegi sababta looga joojiyay oo aan dadka loo sheegen.

Waxa xeerarka inoo qorani sheegaya in gaadhiga dalka lagu wadanaya uu yahay gaadhi shookanta kuleh dhinaca bidix oo geerkuna ku yaalo midigta. Laakin gadidka dalkeena yaala way kasoo hor jeedaan sharciga dalka oo haadka gaadhiga sida aynu u isticmaalno iyo gadhiga halka laga wadaa isma laha. Midhkaasi waa mid jira.

Hadaba su’aasho waxa ay tahay in haadka la badalo iyo in gaadidka dalka yaala la badalo shookantooda iyama ayaa dawlada u fudud unna kharash yar in ay go’aan ku soo saarto?
Waxa aan qaba in xeerka gaadiidka iyo wado marista Somaliland, Xeer Lr.56/2013 in dib wax looga badalo oo dib loogu celiyo golaha wakiilada si haadka looga dhigo mid waafaqsan gaadidka dalka yaala oo ah mid laga wadaayo dhinaca bidix ee wadada si darawalku gudaha wadada usoo galo oo uu wadada u wada arki karo marka uu gaadhi dhaafayo ama iska hor imanayaan.

Gaadiidka Vitz waxa uu kamid yahay gadiidka dadweynaha sida basaska iskaga baxa magaalada gudaheeda oo ma jiro inta badan qof u wata xarago iyo iska wadasho qudha ee waa gaadhi lagu shaqaysto sababta oo ah waa gaadhi shidaal cunis yar oo waxa uu yahay mishiinka saara 1,000cc.
Waxa mudan in la waydiiyo wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo H Jidadka sababta dhabta ah ee dalka looga joojiyay gadhiga Vitz waxa ay tahay?

Ma shilalka dalka ka dhaca ayay iyagu yahiin kuwa ugu badan ee keena Vitz?
Ma amniga dalka ayay dhibku yahiin ilayn waatan Wasaaraddii Arimaha Guduhu shalay golaha ka akhriday e?

Ma shirkada TRAFAGURA ee dhawaan xukuumadu ku wareejisay keenida shidaalka ayaa loo samaynaya suuq ah in isticmaalka shiidalka kordho si ay shiidal badan oo batrool ah dalka u keento.

Ma ogtahay xukuumadu gaadhiga midigta ku leh geerku in uu ka qaalisan yahay gaadhiga kale ee bidixda ku leh taasina ay keenayso in lacag adeg oo hor leh ay inagaga baxayso isticmaalka gaadiidka?

Mase ogtahay hadii Dubia lagaga soo badalo shookanta in lacag hor leh ay inagaga baxayso gaadiidka dalka imanaaya? Miyaan dhaqaalaha inta leeg ee inagaga baxaaya ayna u arkay lacag adag oo dalka ka baxday?
Waxa qoray Yasin Calase
Loading...
Loading...