CC Shakuur "Guddiyada Doorasho Ee Galmudug Iyo Hirshabeelle Waa Xubno Ka Tirsan NISA"

0
Saturday November 07, 2020 - 13:34:21 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CC Shakuur "Guddiyada Doorasho Ee Galmudug Iyo Hirshabeelle Waa Xubno Ka Tirsan NISA"

    Waxaa uu sheegay in ay tahay nasiib daro weyn in maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay in ay tahay nasiib daro weyn in maanta




Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay xubnaha guddiga doorashooyinka ee ay soo xuleen maamulada qaar in ay yihiin Ciidamo ka tirsan NISA.

 

Waxaa uu sheegay in xubnaha guddiga ee dhawaan uu ku dhawaaqay Rooble ayaa sidoo kale yihiin taageerayaasha baraha bulshada ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in ay tahay nasiib daro weyn in maanta dowladda Soomaaliya aysan kalsooni ku qabin bulshada Soomaaliyeed oo guddiyadii doorashada loo soo xulayo xubno ka tirsan NISA.

 

"Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

 

Waxaa uu intaasi kusii daray "Halka Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah”

 


Loading...
Loading...