Casaanku Waa Astaanta Laba Dareen Oo Is Burinaya, Midabbada Kalana La Iskuma Waafaqsana

0
Saturday November 07, 2020 - 10:36:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Casaanku Waa Astaanta Laba Dareen Oo Is Burinaya, Midabbada Kalana La Iskuma Waafaqsana

    Guud ahaan midabbadu waxa ay aadamaha ugu astaysan yihiin dareenno kala duwan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan midabbadu waxa ay aadamaha ugu astaysan yihiin dareenno kala duwan, waxa aanay marar badan la xidhiidha dhinaca dhaqanka bulshooyinka oo ay qaarba si u qiimeeyaan dareenka uu midabku ku xidhiidhsanaanayo.


Midabka casaanka ayaa la ogaaday in dhammaan bulshooyinka caalamku ka siman yihiin aaminsanaanta ah in uu xidhiidh la leeyahay jacaylka iyo haddana cadhada.



Daraaad cusub oo dhowaan natiijadeeda lagu qoray Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda ‘University of Mainz’ oo ku taalla dalka Jarmalku tijaabooyin ay 40 dal ka sameeyeen ku ogaadeen in midabka casaanku uu yahay midabka ugu badan ee bulshooyinka adduunka oo dhami ka midaysan yihiin laba dareen oo ay kala aaminsan yihiin in uu u taagan yahay.


MIDABBO DAREENNO IS BURINAYA U TAAGAN

Dr. Daniel Oberfield Twistle oo ka warramay natiijada daraasadan ayaa sheegay in marka laga hadlayo dareenka la xidhiidha midabka casaanka, ay bulshooyinka caalamka badankoodu u qaybsamaan laba qaybood oo laba dareen oo is burinaya ka aaminsan midabka casaanka kuwaas oo ah dareenka togan ee Jacaylka ah iyo dareenka taban ee Cadhada ah.


Dhinaca kalana, waxa ay ciilmibaadhayaashu sheegeen in midabka ugu saamaynta yar dareenka dadku uu yahay midabka loo yaqaanno bunniga.


Marka laga tago midabka casaanka ah ee ay bulshooyinka kala dhaqanka duwan badankoodu isku raaceen in uu u taagan yahay labada dareen ee is burinaya oo qoloba mid raacday, waxa kale oo cilmibaadhistan lagu ogaaday in midabka caddaanka ah ay bulshooyinku ku kala aragti duwean yihiin. Tusaale ahaan dalka Shiinaha marka aad joogto midabka caddaanku waxa uu aad ugu xidhiidhsan yahay murugada, laakiin marka aad tagto dalka Giriigga midabka Basaliga ah ayaa lagu yaqaannaa calaamadda murugada. Dr. Daniel Oberfield waxa uu sheegay in ay arrintani tahay sababta dadka Shiinuhu ay dharka cad u xidhaan xilliga jinaasada iyo aaska la joogo, halka midabka basaliga oo rasiin ahi uu yahay midabka lagu goglo kaniisadaha Orthodox ka Giriigga xilliga ay tacsida iyo baroordiiqdu jirto.


Cilmibaadhayaal Jarmal ah ayaa iyaguna ogaaday in midabka hurdiga ahi uu bulshooyinka qaar ugu xidhiidhsan yahay farxadda, taas oo xidhiidh la leh cimilada. Gaar ahaan dalalka aan qorraxda aad u arkin oo ay dadku aad u farxaan muddooyinka gaaban ee ay qorraxdu soo baxdo, sidaas awgeed midabkan hurdiga ah oo soo bixista iyo dhicista qorraxda la midab ah ayaa ay ku xidhiidhiyaan farxad. Jacayl gaar ah ayaanay u hayaan. Taas lidkeedana waxaa ah dalalka ay qorraxdu ku badan tahay ee inta badan dadku dhibsadaan. Bulshooyinka dalalkaas waxa uu midabkani ka mid yahay midabbada laga necebyahay ama lagu xidhiidhiyo murugada, hinaasaha ama wixii la mid ah


Marjan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...