Ha I Maqashiin Warkiisa Waayo Waa Kuwa Qayrkey Iga Reebey Mid Ka Midah Uun Kanina (Faysal Cali Waraabe)
Waxaa ereydaasi ka soo baxeen mid ka mida dadka jecel wadankooda Somalilandnimaduna ku dheer tahay balse wuxuu ka warwarsan yahay mustaqbalka dadkiisa iyo dalkiisa Somaliland, waxaa uu u arkaa in aanu haynin halyeeyadii uu rabey iney isbedel ku sameeyaan noloshiisa,tan dalkiisa iyo dadkiisa.
Wuxuu u arkaa in ragii hawlahaasi dhabarka u ritey iney amaanadii meel kale la mareen waxaa isku qaban waayey 30 sano oo uu ku dhexnoolaa dalkiisa oo ka mid ah kuwa ugu nabada wanaagsan caalamka, dumuqraadiyada qaarada afrika kaalinta kowaad kagalay , aan weligii budhcadbeed lagaga caban,argagixiso aan hooy u ahayn, leh dhamaan astaamihii dawlad casri ah, saaxiib la ah dalalka nabada, dumoqraadiyada iyo iskaashiga jecel hada somaliya oo madaxweynaha mareykanka mr. Trump uu tusaale u soo qaato markuu tilmaamayo dal aan dawlad lahayn,nabad aaney ka jirin,police aan ka jirin waxbana aan ahayn Somaliya.Hada caalamku kuwii wax qabsadeyna xaqirayaan kuwii quusta laga joogeyna la lee yahay waa idin hogaaminayaan ayaa isku qaban waayey
bal u fiiro qudbadihiisa qaar ka mida Trump sida uu somaliya u bahdiley :
In his most recent attack, at a campaign rally in Tulsa, Oklahoma, he tore into the 37-year-old alleging that she wanted to bring the "anarchy" of Somalia to the US.
"She would like to make the government of our country just like the country from where she came - Somalia. No government, no safety, no police, no nothing, just anarchy. And now, she's telling us how to run our country. No, thank-you."
Source:https://www.bbc.co.uk/news/world-africa-53268582
in hadana caalamku u aqoonsan yahay dal jira oo Somaliland taladeeda wax laga weydiinayo maxaa u sabab ah sida ay qabaan aqoonyahanada cilmiga xidhiidhka caalamiga ah, qaynuunka dawliga ah, siyaasada iyo hogaamintu waxaa ay ku sababeeyaan qaarkood arimahan:
Somaliland oo aan lahayn qorshe cilmiyeed oo ku wajahan aqoonsiga dalnimo sida:
- Dhisid gole u hawlgalaha higsiga
dal madaxbanaan kuwaas oo leh dhamaan kaabayaasha sharci,aqoon sare oo
ku kaalmeysa fahamka qadiyada Somaliland ee caalamka dadka qaarkood baa
odhan doona Dr. Adna ayaa jirta balse waa run Dr.Adni waa ay gudataa
waajibkeeda iyo ka badan balse ma haysato garab iyo tahsiilad u sahla
hawlsheeda, taasina waxay ka dhigtey shimbir garab la.
Waxay u baahan tahay dhaqaale,technology (Social Media iwm),aqoon yahano isgarabtaaga xafiis iyo xoghaymo u madax banaan shaqada, - Habeynta xogta taariikhda iyo tacadiyadii ka dhacay Somaliland mudadii uu xasuuqu ka socdey Somaliland. Tani waxay wax ka tereysaa in maxkamad caalamiya la horgeeyo kuwa ku dhuumanaya meelahaa ee weliba u haliilaya xasuuq dambe.
- In aan talada dalka ee masiiriga ah wax laga weydiin dadka ka madax banaan siyaasada,qabiilnimada ee leh aqoon waayo aragnimo saameyn iyo magac ee daacada ah somalilandnimaduna dhab ka tahay
- Wakiilada Somaliland ee dalalka dibada u jooga oo aan intooda badani lahayn aqoon iyo waayo aragnimo diplomatic kuwaas oo aan hanan Karin dalalka ay wakiilka uga yihiin Somaliland quluubtooda.
- Xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland oo aqoontooda iyo kartidooda siyaasadeed aaney dhaafsiisaney kursi,dhaliilo,reernimo iyo dano shaqsiyeed taas oo aastey qadiyadii aqoonsiga ee Somaliland
- Wasaarada Arimaha debeda Somaliland oo jiheyn kari la siyaasada arimaha dabada ee Somaliland.
Arimahaasi waxay keeneen in dawlada Federalka Somaliya ay ka faa’iideysato daldaloolada Somaliland ee dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, iyada oo taageero iyo taloba ka heleysa dawlado si dhow dano kala duwan uga leh Somaliya guud ahaan kuwaas oo kula taliya kolba qorshaha ay rabaan in Somaliland lagu inqilaabo jiritaankeeda.
Qodobadaasi iyo kuwo kale ayey banaadhitaanada arimahan ku saleysani sabab uga dhigayaan in ay dawlada Somaliland ku hambaaburto arimo dhan ka ah oo mar hore qalinka lagu duugey.
Maxaa uu muwaadinkani uga xanaaqayaa warka siyaasi FAYSAL CALI WARAABE?
Sida ay qabaan dadka taxliisha ku sameeya siyaasiinta Somaliland Faysal Cali waraabe waa mid ka mid ah siyaasiinta lugooyada ku ah horumarka Somaliland iskuna haysta in uu yahay dhidibada Somaliland siyaasadeeda, balse lama hayo mudane Faysal oo weli bulshada caalamka u qorey hal qoraal oo ka turjumaya in ay Somaliland hesho aqoonsi caalamiya.
Faysal cali waraabe waxaa uu si joogto ah isugu taxaluujiyaa in uu Siyaasada somaliya iyo awqaybsigeeda ka dhex muuqdo,waxaana uu ka mid yahay siyaasiinta laba in ay si uun ugu lug yeeshaan siyaasada somaliya iyo maamulkeeda, taas oo aaney xitaa ka muuqan wax dan u ah qaranka Somaliland, in kasta uun Allah (swt) uun og yahay ujeeda siyaasiinta Somaliland ee sida mudane faysal ah hana waxaa loo badan yahay dano gaara uun inay la xidhiidho oo aan dhaafsiisney halgan dhaqaale iwm.
Mahadsanidin Dhamaantiin
M J Farah
source:hogaanka.org
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!