Biden Oo Guul Sheegtay Xilli Trump Tirintii Ku Gudo Jiro

0
Saturday November 07, 2020 - 08:00:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden Oo Guul Sheegtay Xilli Trump Tirintii Ku Gudo Jiro

    "Waxaan noqon karnaa kuwa iska soo horjeeda laakiin ma nihin cadaw"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan noqon karnaa kuwa iska soo horjeeda laakiin ma nihin cadaw"

Joe Biden ayaa mar kale sheegay in uu ku kalsoon yahay guusha maaddaama uu kusii dhawaanayo inuu garaaco Donald Trump kadib doorashadii madaxtinnimada ee Talaadadii ka dhacday Mareykanka.



Tartamahan xisbiga Dimuqraadiga wuxuu hadda heystaa 253 ka mid ah 270 Codadka Ergada Codbixinta ee loo baahan yahay, si uu u aadp Aqalka Cad iyadoo loo marayo nidaamka codbixinta ee gobol-gobolka ku dhisan ee Mareykanka.


Mr Biden ayaa sidoo kale hogaaminaya tirinta codadka ee goobaha muhiimka u ahaa doorashada ee Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona.


Guusha Biden waxay u muuqan doontaa Mr Trump inuu xafiiska ka tago Janaayo kaddib afar sano oo uu xilkaasi hayey.


"Waan ku guuleysaneynaa tartankan," Mr Biden ayaa u sheegay taageerayaashiisa Wilmington, Delaware, habeenkii jimcaha, isagoo ku dhawaaqaya in kalsoonidoodu sii kordheyso, ayna codbixiyayaashu ay muujinayaan inuu hogaaminayo isagu.


Wuxuu sheegay inuu ku socdo waddadii uu ku guuleysan lahaa in ka badan 300 oo Ergada codbixinta ah wuxuuna tilmaamay in dad badan ay u codeeyeen - in ka badan 74 milyan oo qof - kuwaas oo ka badan marka loo eego qof kasta oo u tartamay madaxtinimada Mareykanka, taariikh ahaan.


Dimuqraadigan - oo isu tixgeliya inuu yahay musharraxa midnimada ka dib ololihii qadhaadhaa ee uu soo halgamay - ayaa sheegay in la joogo xilligii "la saari lahaa  kala duwanaanshaha Fekerka siyaasaddayada" oo "la noqon lahaa sokeeye midba midka kale xigsado"


"Waxaan noqon karnaa kuwa iska soo horjeeda laakiin ma nihin cadaw, waxaan nahay Mareykan," ayuu yiri Mr Biden, oo aan soo hadal qaadin ninka la tartamaya ee Jamhuuriga, Mr Trump.


Weriyaha BBC Barbara Plett-Usher, oo ku sugan Wilmington, ayaa sheegtay in ay ahaayeen hadalo rajo leh oo ka dhigan xisbiga Dimuqraadiga in haysto waddadii guusha.


Mr Biden - oo laba jeer oo hore u tartamay Aqalka Cad, sannadihii 1988 iyo 2008, guul la'aan - wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu da'da weynaa ee abid la caleemo saaro isagoo jira 78 sano.


Haddii Dimuqraadigan lagu dhawaaqo inuu guuleystey dhammaadka labada maalmood ee soo addan, kooxdiisa ayaa la filayaa inay bilawdo hawlihii kala-guurka maalinka Isniinta.

 

BBC

 

Loading...
Loading...