'' La Soco Aduunka , Wararka Jiidaha Horre Iyo Waayaha Itoobiya ''.
Xuduudka maamuladda Amxaaradda iyo Tigrey ee Wadanka Itoobiya waxaa si
xoogle uga socda maalintii sadaxaad dagaal qadhaadh oo aan waxba la isula
hadhin .
Khuburadda dagaalka la socota iyo indho indheeyayaal caalamiya oo arinta dagaalka la faaloodayna waxay sheegeeyaan in aan dagaalku weli curanin , hassa yeeshee waxa socdaa uun yihiin caarro hoor iyo cayaayir hassa yeeshee dagaalki waynini soo socdo.
Raysal wasaare Abby Ahmed oo mar dhawayd saxaafadda la hadlay wuxuu sheegey in dagaalku yahay mid cad , qorshaysan yoolkiisuna yahay soo celinta sharciga iyo kala dambaynta iyo difaaca dadka iyo Distoorka , taasoo macnheedu yahey dagaalku wuu soconayaa ilaa yoolkaas la gaadho .
Geesta kale , Madaxwayaha Tigrey oo isna saaka hadlay ayaa sheegey in
dagaalku yahay wax laggu qasbay , qiimihiisana ay ku bixinayaan , si fiicana ay
isu difaaci doonaan .
Si kastaba ha ahaatee , Daad-guraynta ciidamadda itoobiya ee goobaha dagaalka ayaa ah mid balaadhan , waxaana ku tala galku yahay in si dhaqo ah loo soo afjaro si aan qalalaase gudeed oo baahsan iyo dhaqaale xumo u dhicin .
Dhinaca Tplf waxay haystaan juqraafiiyadda dhulka oo ah buuralay raf ah
oo kakan , ciidamo diyaarsan oo si wayn u hubaysan , hassa yeeshee hubka ugu
culus ee ay isku halaynayaan waxa weeye meel ay u baxaan ma jirto waa mitid
godoon ah .
Si kastaba ha ahaatee , dagaalkan midhihiisu waa burbur iyo khasaare , waxaanu sii xumaynayaa xaaladda gobolka geeska afrika oo awalba
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!