Doqoni Ninkii Canaanta Wuu icaayey bay tidhaa!.

0
Friday November 06, 2020 - 11:27:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doqoni Ninkii Canaanta Wuu icaayey bay tidhaa!.

    W/Q: Fu'ad Fartaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Fu'ad Fartaag

Beri ayuu nin, Afaduu qabay uu saluugay, markuu arkay gurigoo Dayacan, ubadkoo Darxumaysan iyo Duunyadii oo baylah ah, Markaasuu afadii si Sarbeeb iyo Hogo-tusaalayn wax ugu sheegey, oo uu ula hadlay sikastoo San oo quman oo qof loola hadlo, se dheg umay jalaqsiin, waanadii iyo wax sheegii saygeeda, Maalintii danbe ayuu Afadii Canaantay, haba canaanan lahaydaa, gabadhii intay Duday oo reerkoodii u tagtay, bay tidhi ninkii halayga Soo qabto, iyo maxaa dhacay?, Iyo Wuu icaayey!,Ninkii amakaag, yaab iyo fajeciso ayey ku noqotay waxa ooridiisii kasoo yeedhey, wuxuu se garawsaday in afadiisu Doqon tahay, oo ay canaantiisii cay mooday, suu yidhi: waar Canaan bay cay idinku sheegtee, xaashee cay reeban, ee reerka iisoo celiya.



Hadaba iminka Xukuumada Somaliland ayaa afadaa la xaal ahe, Horta Xukuumadeenu iyana ma Doqonbaa?!.Doqon baa Ninkii Canaanta Wuu icaayey tidhaahdee!.

W/Q: Fu'ad Fartaag

[email protected] 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...