Kamaqnaanshaha Warshadlayda Ee Magaalada Dhibtay Leedahay!

0
Friday November 06, 2020 - 10:44:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kamaqnaanshaha Warshadlayda Ee Magaalada Dhibtay Leedahay!

    Maanta guud ahaan magaalada Hargaysa iyo gaar ahaan;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta guud ahaan magaalada Hargaysa iyo gaar ahaan;

galinkii danbe galgalintii (garoonkii ama gagadii) ciyaaraha cagta waxa laga dareemaayay maqnaansha dad badan. Dad badan ayaa iswaydiiyey sabbabta keenay isdhimidha daddeed; balse, waxa adkaatay in ay jawaabxalin u helaan amakaagooda.



Dad badan ayay ula muuqatay kol haddii G. Hawd ay wada ciyaarayeen koox rajada lago qabo inay ka badinayaan ay sarayso in laga hawl yaraystay.


Halka qaar kale isku qanciyeen in maanta Khamiis ahayd oo dad badan ku nagaadeen guryahooda si ay uqaatan nasasho ay kaga soo kabtaan (raystaan ama doogaan) daalka shaqada.


Intaas kuma koobnee malo-awaalka laysku qanciyay waxa ka mid ahaa:

-- In maanta qoraxdu kululayd, in dadku ka baqeen caabuqa Kuduudiye ama Koofidh 19 (Covid 19) inuu soo batay oo xayiraado socdaal jiraan;


-  In dadku ay magaalada u cidleeyeen iyagoo ku mashquulsan waayaha caalamiga ag sida - doorashada Maraykanka; dagaallada gobollada Nagoorno Karabakh iyo Tikrayga; IWM.


Balse in yar oo ka warhaysa isu-imaatinka ALLE-bariga warshadlaydu ay iskugu baxeen duleedka magaalada ay sabbabtay madhnaanshaha suuqyada iyo wadooyinka magaalada.


Hadda waxay iswaydiimihu yihiin in la kala ogaado siday arintahay iyadoo laga duulaayo su'aalahan soo socda:


1- Tolow ma dadwayne intaas leeg ayay yihiin bulshooyinkani oo hoos u dhac intaas leeg iyo tabis laxaadkaas leeg ayay magaada ku keeni kara?

2- Mise dadkii kale ayaa ka dababoqoolay?

3- Mise iyaga ayaa dadka soo saarijiray oo waxay la maqnaadeen dhaqdhaqaaqii magaalada?


Sabbabtaydoonta ha ahaatee waxa laysku raacsan yahay inayna Warshadlaydu mudo korodhsi samayniin magaaladu ma xamilayso 2 cisho wax ka badane. Haday ku dhaqdhaam sidaasna; oo ay ku mudo-korodhsadaan waa inay u diyaargarooban dagaal la mida ka gobolka Tikrayga ka dhacaaya oo kale; oo dadka dulqaadku waa ku soo gabaabsi.


Miyaydaan ogayn xeerrarka iyo mabaadiida caalamiga ah ee maaliyadu inay diidan yihiin in mar qudha ganacsato iyo maalqabeeno intaas leegi inay ka wada baxaan magaalo ama meel ku wada kulmaan? Dee maxaydun ka ogaan kartoon baad ku keenteen dedaalkee!


Dhinaca kale maalqabeenada aduunyada inta badan shaqadooda waxay yimaadan markay soo kifaaxan oo waxa ku badan xanuunada waara; sidaasna darteed uma dulqaadan karaan nolasha qarfaha ah ee ayna ka agdhawayn qaboowga iyo marxawadaha mukeefku, balse maalqabeen subaxdii markuu tukado kaaga soo horeynaaya bakhaarka maxaa cudurada hodanka haleela ka soo doonayaan? ALXAMDULILAAH.


Talokooban:

Maalinba maalinta kasii danbaysa aduunyadu waxay u sii guuraysa dhinaca tiknoolajiyada iyo Horumarinta agabka, saabanka, qalabka iyo taakulada waxsoosaarka warshadaynta; arintaasi waxayna ku hirgashaa iskaashi iyo saamiwadaaga balaadhanee wadacurinta fursado ganacsi.


Markasta waxaanu filaynaa inaad leedihiin xikmadii iyo garashadii aad ku gaadhilahaydeen isafgarad buuxa.

ALLE  swc haydinka aqbalo wixii khayrku ku jiro if iyo aakhiro aaaamiin .....aaaamiin aaaamiin

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...