Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Wasiir Maxamed Kaahin
Hargeysa (HWN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawabaay haddal ka soo yeedhay Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu Faysal sheegay inuu yahay nin siyaasi ah oo xor ah, isla markaana aanu cid-na ka talogelinay talaabooyinka Siyaasadeed ee uu qaadayo,waxaanu sheegay in aan looga baqaynayn Qaranimada Somaliland, isagoo xusay in shaqadii Wasiir Kaahin uu qaban waayey uu qabtay isagu.
Waxaanu Guddoomiye Faysal sheegay in wasiir Kaahin shaqadiisu ay tahay keliya amaanka dalka "Kaahin waxaan leeyahay amaanka weeyaan shaqadaaduye taas ku eekow annigu waxaan ahay nin siyaasi ah oo xisbi u Madax ah siyaasadayda xor ayaan u ahay, waanu ka ilaalinay in dalka in aanu yooyootan samayno,marka aanu arragnay siday arrimuhu u socdaan,waxaanu mihiimada saarnay in aanu doorashona qaban karrno, shisheeyahana iska celino, khilaafkii gudaheenana aanu joojino , ilaa waxa aanu gaadhnay heer la leeyahay labadii guddoomiye waa la iibsaday oo waxay la saxiibeen Muuse ,markii aanu ka daynay ee aanu la shaqayna ee aanu tiisii ogolaanay,haddana aanu cadowgii ka qabanay inuu annaga na aflagadeeyo xaq uma laha.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.