Maalin Ka Mid Ah Maalmihii Nolosha Nabi Muxamed "SCW" Daraasad Koobaysa Qorshe-Hawleedkii Nebiga ee Maalinlaha ahaa Q1aad.
Mahadnaq Qoraaga Buuga
Waxaan si qiime leh oo qoto dheer halkan uga mahadnaqayaa cid kasta oo igu dhiir gelisay qoraalka kitaabkan oo ilaahay subxaanuhuye mahad oo dhan iska leeyahay. Dabcan waxaan iyagana halkan uga mahad celinayaa dadka hoos ku suntan;
Sheekh Cabdullaah Ibn Bayyax
Dr Cabdulwahaab Ibn Sulaymaan
Dr Axmed Baraa al-Amiri
Dr Cabdullaah Ibn Muxamed al-Qutxami
Dr Sacad Ibn Cattiyah al-Qaamidi
Dr Cabdullaah Ibn Cabdulraxmaan al-Subayh
Dr Axmed Ibn Muxamed al-Saqr
Dr Saami Ibn Cabdulcassis al-Majid
Dr Cabdullah Ibn Xamid al-Sakakir
Dr Khalid Ibn Fahad al- Bahlool
Mudane Jameel Muxamed al-Farisi
Mudane Saalix Ibn Xamuud al-Fowsaan
Mudane Yaasir Ibn Badr al-Xusaymi
Sheikh Muxamuud Shaaban Cabdul al-maqsuud
Kitaabkan mid kasta dadka kor lagu xusay ka mid ahi wuu sii eegay markii nuqulka ugu horeeeya aan soo saaray. Sidaas ayay ku saxeen waxii u baahnaa sixis ka dib markay aad u eegeen iina siiyeen dhiirigelin iyo weliba talo. Si wayn ayaanan uga faa’iiday talooyinkoodii oo suurta geliyay in aan dibu sixis iyo habayn ku sameeyo hab qoraalka. Waxaanay mid kasta oo ka mid ah culimadaas iyo xubnaha kale ee sharafta mudani leeyahay ajrigiisa iyo abaalkiisa.
Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ugu naxariisto dadaalka ay geliyeen kitaabkan.
HORDHAC
Halkani waa magaaladii timirta iyo qalbigii nuurka islaamka ka soo fufay, waa halka uu qalbiga nebigu SCW yaalay, waa magaaladiisii, dadkiisii. Waa magaaladii markuu yimi wax kastaa nuur u siyaaday. Dadkeedu way jeclaayeen soona dhoweeyeen, isaguna wuu jeclaa oo duceeyay.
Waxa ku taala Buurta Uxud oo nebigu SCW xidhiidh qoto dheer la lahaa aadna uu jeclaa, iyaduna jeclayd. Waxa lagu tilmaansan karaa magaalo uu dhex lugayn jiray, raadadkiisiina laga xusuusanayo ilaa maanta. Waxa halkan, magaalada Madiina ku yaala masaajidkiisa oo qol yar oo ku dheganaa u ahaa guri uu ku noolaa. Laakiin waxaa masaajidku ahaa madarasad, iskuul iyo jaamacad ay wax ka barteen rag iyo dumar tiro badan. Waxuu ahaa halka looga arimiyo islaamka.
Waxaynu kitaabkan ku eegaynaa shaqadii nebigu SCW qaban jiray ee maalinlaha ahayd inagoo saacad saacad u eegi doona. Si aan uga faaiidaysano qiimaha noloshiisa oo ahayd calaamad iyo badhaadhe ilaahay u soo saaray bini-aadamka. Waxaan eegi doonaa noloshiisa caadiga ah siday ahayd iyo masuuliyada Ilaahay saaray oo ah gaadhsiinta dadka diinta Ilaahay ahna in aan Allaah kale jirin Ilaahay keligiis mooyee, muxamedna yahay rasuulkiisii.
Nebigu SCW waqtigiisa waxuu ku isticmaali jiray ayaynu eegi doonaa, si aan uga helo aqoon inagoo barbar dhigayna qof kastana u kordhin doonta dibu-eegis bal sida uu waqtigiisa u maamulo iyo faraqa dhaqan ee u dhexeeya isaga iyo nebi Muxamed SCW. Nebiga SCW waxa la socday oo wax ka baran jiray asxaabta oo dhan iyagoo qorayay, xifdiyay kagana dayan jiray ficiladiisa oo dhan sababtaas ayay indhaha dadka oo dhami meel kasta ha joogee ula socdeen. Ma jirin wax gidaaro ah oo qarinayay noloshiisa u gaarka ah ee gurgiisa. Qalbiyada asxaabtiisa iyo indhahooduba sidaas ayay ula socdeen iyagoo jecel isna uu jeclaa la jirkooda iyo la joogoodaba.
Nebi Muxamed SCW waxuu ilaalin jiray sidoo kalena ka faa’iidaysan jiray daqiiqad kasta oo waqtigiisa ka mid. waxaanu aaminsanaa in daqiiqad kasta waxa dhexdeeda la sameeyo la iska xisaabin doono sababtaas awgeedna ujeedo macno leh looga faa’iidaysto.
Kitaabkan
waxaan ku milicsan doonaa waayaha nololeed ee nebigeenii Muxamed
N.N.K.H.A inagoo wax ka baranayna meel kasta oo uu joogo; masaajidka,
guriga. Waxaynu arki doonaa isagoo hurda iyo isagoo soo jeeda oo shaqo
adag ku jira. Waxaynu soo dhex mari doonaa waxyaalo badan tusaale:
isagoo ilma yar laabta ku haya ama ilmo yar garabka ku sita. Waxa
is waydiin leh: side ayuu nebigan qaaliga ahaa uga soo baxay fariintii
ilaahay ugu soo dhiibay aadmiga? Sidee ayuu hawlihiisa shaqo isugu duba
ridan jiray? Siduu maalintiisa u isticmaali jiray?
Hadaba, aan wada eegno sida diranahan; nebiga, Ilaahay rasuulkiisa, Aabaha, Saaxiibka iyo odayga uu u isticmaali jiray waqtigiisa. Taasna in aan ogaano waa sababta kitaabkan aan u qoray: Maailin ka mid ah Maalmihii Muxamed (A Day in the life of Muhamed)
Cabdul Wahaab Ibn Naasir al-Turayri
Makkah Jimce, 20/7/1431 Hijriga
Ereyga Turjumaha Kitaabkan
Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh, midka aynu u nahay adoomaha, ina siiyay xikmada garashada iyo aqoonta iyo nimco badan oo aynaan halkan ku soo koobi karin balse ay ugu mudan tahay Islaamnimada. Nabadgelyo iyo naxariista ilaahay korkiisa ha ahaato nebigeenii Muxamed oo uga marag kacayno in uu ina soo gaadhsiiyay fariintii, inuu gutay amaanadii inoogana digay dhamaanteen waxa inaga horeeya aakhiro ilaa uu xaqii u yimi.
Kitaabkan ma aha kii koowaad ee aan turjumo, waxa ka horeeyay kitaabka Sabirka iyo Mahadnaqa oo uu qoray ilaahay raali ha ka ahaadee sheekha islaamka Ibn Qayyim al-Jawzziyah. Insha allah midkana noqon maayo kii ugu danbeeyay ee waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu na siiyo sabir iyo adkaysi aanu kutub badan ugu turjino luqada af soomaaliga. Waxaan leenahay xeeladayda iyo awoodayda midna ma ahayn in ay ii suurta gasho hawsha turjumida kitaabkan balse waxay ku timi doonista Allaah oo ay ahayd awoodiisa mida suurta gal ka dhigtay. In wax la turjumaa ma hawl yara weliba in arrimaha diinta iyagoo afka ingiriisiga ku qoran afsoomaali laga dhigaa waa arin aad u dhib leh balse Alxamdulilaah, ilaahay ayaa mahad oo dhan leh. In luqada afka soomaaliga laga dhigo kitaabkan waxaan ula jeednaa in aan ummada afka soomaaliga ku hadasha uga faa’iidayno in ay helaan aqoonta diintooda oo ku qoran afkooda si ay si sahlan ugu fahmaan ugana faa’iidaystaan iyo in anagana nooga sugmo oo ka raadino ajri iyo abaal ilaahay noogu daro miisaanka xasanaadkayaga. Kitaabkan loogama jeedo in lagu helo macaash ama looma daabacayo sifo ganacsi lagu heli karo dakhli Xaashaa-Lilaah. Waxaan adkaynaynaa in aan ula jeedno ilaahay dartiisa kelliya. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu nooga dembi dhaafo waxii gef iyo meel ka dhac ama turunturo ah ee aanu galay ama ka muuqda shaqada aanu qabanay ee turjumida, taasna cid kale eed kuma leh ee waa aqoontayada gaaban iyo wax shaydaan ka adeegay. Waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan culimada iyo dadka kale ee gacanta ka gaystay dibu eegista iyo sixista qisooyinka, dhacdooyinka, aayaadka quraanka ah, axaadiista ku jira kitaabkan. Waxan si gaar ah mahad aan la koobi Karin u xambaarinayaa walaalkay Cabdikariim Aadam Saciid oo dib u eegay iyo qaar ka mid ah caruurtayda: Safa Farxaan, Suhayb Farxaan, Sihaam Farxaan, Salmaan Farxaan oo aayaadka ii fududaynayay halka ay quraanka kaga jiraan maadaama ay xufaad yihiin iyo Saciid Farxaan Aadan oo markaan qorayay ila joogay ishana marinayay qoraalka af soomaaliga hadba inta aan turjumo. Saciid waa 8 Jir xiligan aan turjumayo Kitaabka balse dadaalkiisa aanu iga ag tegin xilli kasta ayaa igu khasbay in aan halkan ku xuso. Waxa kale oo aan xusayaa oo u mahad celinayaa Towfiiq Farxaan Cabdi oo qaybta Tixraaca soo turjumay iyo shaqaalaha Hayada GAVO oo ugu horeeyo Agaasime Axmed Cumar Xersi oo iyaguna soo akhriyay. Ugu danbayn, waxaan ummuda islaamka ee Afka Soomaaliga ku hadasha ka codsanaynaa cid kasta oo akhrida kitaabkan in waxii qalad ah ee ay ku arkaan noogu soo gudbiyaan cinwaankayaga hoos ku qoran si aan u saxno daabacaada labaad. inshaa allah khayr wayn ayaad ka dhitaysan doonaan arintaas.
Farxaan Aadam Haybe
Hargeysa, Soomaaliland.
Arbaca, 1da July 2015
Email: [email protected]
Telefoonka: 00 252 63 4444431
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!