Xadhiggii Cabdimannaan, Xeeladdii Loo Bannadday, Xayiraadda Astaan Cable TV iyo Xaajadii Laga Lahaa Oo Xukun Lagu Xarriiqay
Cabdimannaan Yuusuf Agaasimaha Astaan Cable TV waxa lagu xidhay Hargeysa 17kii Julaay 2020ka. Maxkamadda laguma horkeenin 48 saacadood, markii uu toddoba cisho xidhnaa ayaa garsoorka loo gudbiyay. Ogos 2020ka ayuu xafiiska xeerilaalinta qaranku keenay laba eedood, waxaana been laga sheegay xilligii la xidhay. Ujeeddada ugu weyn ee markaas gudaha loo dhigay waxa loo arkayay in albaabbada loo laabo ganacsigiisa, waana xukunka maanta lagu dhawaaqay..
Dad saami ku lahaa, sedbursina rabay ayaa loo tirinayaa inay shirqoolkan maleegeen. Waa ayo? Kollay maqashe. Waxa taxaabistiisa loo arkayay tallaabo lagu dhaawacayo tartanka ganacsi iyo suuqa xorta ah. Beryahanba waxa aynu maqlaynnay Tiifii la yidhaahdo SKY oo hawada soo gelaya, yaa leh? Kaas ayaa malaha kooto loogu xidhayay caasimadda.
Qoraal uu eedaha ka sameeyay Garyaqaan Guuleed Dafac
ayaa u dhignaa sidan:
"Arrinka Cabdimannaan baadhitaan madax bannaan ayuu u baahan yahay.
Eedda Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa ay sheegtay in Cabdimanaan la xidhay 26 July 2020. Cabdimanaan waxa laga qabtay bartamaha Hargeysa 17 July 2020, xilli fiidnimo ah. Is-waydiintu waxa ay tahay intii ka hroraysay markaa cidda uu gacanteeda ku jiray cidda ay tahay. Hadii xadhiga dawladda u diiwaangashan yahay 26 July, xilliga la 'qabtay' na yahay 17 July, muddada u dhexaysa yaa haystay? Mar haddii aanu xidhnayn muddadaas, cidda haysatay maxaa sharciga loo marin waayay?
Eedda rasmiga ah ee Xafiiska Xeer-ilaalintu gudbiyay waxa u Cabdimannaan Yuusuf ku eedeeey labadan qodob:
1. Hellidda xog ku saabsan ammaanka Qaranka Somalia, qodobka 199 XCG (Procuring information regarding the security of the Somali State). Waa sida qodobku xeerka ugu qoran yahay.
2. inuu ku xadgudbay isticmaalka xirfad (abusive exercise of a profession).
Ciqaabta uu wajihi karaa haddii la isku daro waa ilaa 10 sanadood”
3dii September 2020ka ayaa la dhegaystay fadhigii 2aad ee Dacwadda ka dhanka ah Cabdimannaan Yuusuf. Waxa ay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex laashay eed ahayd inuu gudbiyay warar ka dhan ah Somaliland. Waxa laalista qodobkan ka muraara-dillaacay dacwad-oogeyaasha ka socday xafiiska xeer-ilaalinta. Waxa la keenay maragyo aan keenin caddayn oo ay goobjoogeyaashu ii sheegeen inay qarsoonaayeen. Waxa sidoo kale maxkamadda yimi markhaatiyaal daadifeeyay in uu ku lug leeyahay basaasnimo. Waxa keliya ee wanjalka qiil u ahaa inay isku reer yihiin nin haysta sirdoonka Soomaaliya.
Qodobka labaad ee lagu eedeeyaynaa waa waxkabeddel lagu sameeyay diiwaangelinta ganacsiga, taasina waxa ay ku dhisnayd heshiis u dhexeeyay saamileyda. Waxa uu dhignaa "inuu ku xadgudbay isticmaalka xirfad”. Guddoonka suxufiyiinta Somaliland ayaa caddeeyay in Astaan TV ka diiwaangashanaa xarumihii ay ahayd in uu sharci ahaan ruqsad ka haysto. Markaas ma noqonayo qodob xooggan oo isna la cuskan karo.
Markii labadaas eedood midkood la laalay ayaa haddana la keenay qodob kale oo lagu durayo in uu sifo sharci darro ah dalka ku soo galay. Kollayba imaatinkiisu waxa ay ahayd xilli ay socotay xayiraaddii koronofayras. Kollayba waa eedo guraangur ah oo kolba mid ka-daba-keen ah la soo macmalayay. Haddii kiis cad la ii xidho, maxaa keenaya in kolba wax la soo faqo? Marka hore ayaan wax cad la igu haysannin, markaas waa in dhaliisha weydda ah la naaxiyo.
Maanta oo uu xidhan yahay 110 cisho (17kii Julaay 2020- 4tii Nofember 2020ka) waxa lagu riday xukun darandoorri ah, oo isugu jira:
1. Shan sanno oo xadhig ah
2. Ganaax ah laba milyan oo shilinka Somaliland (u dhiganta $240)
3. In albaabbada loo laabo Astaan Cable
Goaankaas lagu maqiiqay Cabdimannaan Yuusuf waxa cambaareeyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. Waana mid u eg waadaalin iyo qaraar lagu weydeynayo ganacsiga xorta ah. Markiiba waxa rafcaan ka qaatay qareennadii u doodayay, oo aan ku qancin.
Waxa aan qof ahaan is-weyddiiyay suaalahan, waxaanan jecelahay inay iiga warceliyaan bulshada iyo cidda igu xog dhaantaa:
1. Haddii uu xitaa Cabdimannaan eedaysane ahaa, maxaa loo xidhayaa warbaahinta saamileyda badani wada leeyihiin?
2. Ma gef qof sameeyay ayaa qas loo gelinayaa hanti qoom ka dhexaysa?
3. Maxkamaddu ma ay caddaynin saddexda qodob iyo mid kasta waxa lagaga xukumay. Miyay soo celisay qodobkii ay hore u laashay ee gudbinta siraha ah?
4. Muxuu ku mutaystay dhanka socdaalka ma sannad, ma laba, ma bilo?
5. Maxaa ciqaab ah ee lagaga riday tacaddiga ganacsiga ee ay sheegeen?
La soco qaybta 2aad haddii Alle oggolaado.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!