Somaliland: Barnaamijka Shaqadda Qaran Waa Mid Loo Baahnaa
Barnaamijka Shaqadda Qaran ee bishan laga bilaabay dalka waa mid aad iyo aad loogu baahnaa. Qaybtan ugu horreysa ee laga
fuliyey Akaadimiga Carbis, waxaa loogu talo galay ardayda ka soo qalin
jebisay jaamicadaha dalka. Hase ahaatee, waxaa loo baahanyahay in lagu
daro ardayda dugsiyadda sare, marka ay fasaxa galaan ama intaanay u
gudbin jaamicadaha.
Axmed Kheyre
Barnaamijku wuxuu dhisayaa kalsoonida ardayda iyo
barashadda dalkooda iyo dadkooda, sida uu ku sheegay khudbadiisii
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Shaqadda Qaran waa barnaamij laga isticmaalo dalal
farabadan oo adduunka ku yaal. Waddanka Mareykanka oo iyagu u bixiyey
barnaamijkooda "Peace Corps" waxay in badan ka soo shaqeyn jireen
waddamo badan oo Afrika ku yaal, oo ay ka mid ahayd dalkii la odhan
Jamhuuriyadda Soomaaliya. Turkigana waxaa la bilaabay markii uu Kamal
Ataturk laga wareegay xilka dalka, markay kadib burburtay Boqortooyaddii
Osmanli.
Barnaamijka shaqadda qaran iyo ardayda ka qayb
qaadata waxay dalka iyo dadkaba uu kordhin waxqabad laxaad leh. Haddii
ay noqoto samafalka, waxbarashada, caafimaadka, tirikoobka, iyo waxyaabo
kale uu kor u qaadaya horumarka Somaliland.
Markaa waxaan leeyahay, Mabruuk, halkaa ha laga sii wado. Qaran waxaa dhisa dadkiisa.
Allaa Mahad Leh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...