Muuse Biixi Oo Digreeto Ku Cayimay Maalinta Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Bilaabmayso

0
Wednesday November 04, 2020 - 14:43:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Digreeto Ku Cayimay Maalinta Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Bilaabmayso

    XEER MADAXWEYNE: 04 /11/2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XEER MADAXWEYNE: 04 /11/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.



Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 


Markaan Arkay:  Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;


Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/2020;


Markaan Dersay:  Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;


 Waxaan Go’aamiyey;


In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

 

 

Loading...
Loading...