Somaliland Oo Xayirtay TVga Astaan, Mulkiile Cabdimanaana Ku Xukuntay Xadhiga Iyo Ganaax.
Dhan kale waxa ay maxkamaddu xayirtay TV-ga Astaan.
Hargaysa (HWN) Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwado loo haystay Mulkiilaha Astaan TV Cabdi Manaan Yuusuf.

Mulkiilaha Astaan TV ayay maanta maxkamadu ku xukuntay 5 sanno oo xabsi ah, Sidoo kale waxaa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo shilinka Somaliland ah.
Dhan kale waxa ay maxkamaddu xayirtay TV-ga Astaan.
Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo kadib markii xukunka Maxkamadu dhacay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka ku dhacay mulkiilaha Astaan TV iyo xayiraada la saaray Tv.
Loading...
Loading...


0 





