Farduus Cismaan Oo Balan-qaad U Samaysay Ciyaartoyga Gobollada Somaliland

0
Tuesday November 03, 2020 - 20:36:38 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farduus Cismaan Oo Balan-qaad U Samaysay Ciyaartoyga Gobollada Somaliland

    Marwo Farduus Cismaan Oo Balan-qaad U Samaysay Ciyaaryahannada gobollada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwo Farduus Cismaan Oo Balan-qaad U Samaysay Ciyaaryahannada gobollada Somaliland

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha garabka Haweenka Xisbiga Mucaaradka ah WADDANI ee Qaarada Yurub Farduus Cismaan Hamashool ayaa sheegtay in Ciyaaraha Goballada Somaliland ee ka socda Garoonka Hargeysa Stadium lagaga Badbaadi karo Qabyaalada.


Waxaannay u soo jeedisay Masuuliyiinta Xukuumadda inaanay ku dhex milmin Ciyaaraha Goballada dalka, isla markaana aannay kala taageerin goballada ciyaaraaya.
Farduus Hamashool oo ballan qaad u Samaysay Ciyaarahannada gobollada Somaliland - Wargeyska Dawan

"Ciyaaruhu waa waxa kaliya ee lagaga badbaadi karo tafaraaruqa Qabyaalada iyo kala tagga, waxaannay Hambalyaysay Ciyaaraha goballada Somaliland ee ka socda garoonka Hargeysa Stadium.

Masuuliyiintu waa inaanay ku dhex milmin goballada oo aannay kala Jeclaysan oo si Qaran u soo dhaweeyaan Ciyaartoyga, waanna in Dhiiri-gelin la siiyo Ciyaaryahannada.” Ayay tidhi Farduus Cismaan.

Farduus Cismaan Hamashool waxa ay Sheegtay inay rajaynayso in si Nabedgalyo uu ku soo dhammaan doono Ciyaaraha gobollada Somaliland.

"Waxaan aan rajaynayaa in Tartanka ciyaaraha goballada innoogu soo dhammaado guul iyo Nabedgalyo iyo innagoo gacmaha is haysana,waxaanan Balanqaadayaa inaan siin doono Abaalmarin ay ku farxaan Labo Ciyaartoy oo ka mida Ciyaartoyga Ciyaaraha goballada ka qayb-gallaaya”. Ayay tidhi Marwo Farduus Cismaan Hamashool.

Loading...
Loading...