Askari Boolis Ah Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

0
Tuesday November 03, 2020 - 20:05:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Boolis Ah Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

    "Askariga ayaa gudaha Magaalada Laascaanood lagu dilay Xalay Fiidkii"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Askariga ayaa gudaha Magaalada Laascaanood lagu dilay Xalay Fiidkii"

Laascaanood (HWN) – Allaah ha u naxariistee waxa Magaalada Laascaanood lagu dilay Askari ka mid ahaa Ciidammada Booliska ee Gobolka Sool ee Somaliland.

 

Badhasaabka Gobolka Sool, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey Geerida Askariga la dilay.

 

Askariga ayaa gudaha Magaalada Laascaanood lagu dilay Xalay Fiidkii, laakiin si dhab ah looma oga Cidda geysatay dilka Askariga.

 

Maamulka Gobolka Sool iyo Ciidammada Booliska oo iskaashanaya ayaa markii dilku dhacay bilaabay baadhitaano arrintaa la xidhiidha, hase-yeeshee lama oga in Cid loo qabtay Dilkaa iyo in kale.

 

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa Sanadihii u dambeeyay waxa ku yaraa Dilalka Ciidammada Amniga, wallow Toddobaadkii hore Saldhigga lagala baxay Askar loo hayey inay dileen Dad Shacab ah.


Loading...
Loading...