Muuse Biixi oo ka Hadlay Xuska 27-guurada Aas-aaskii Ciidanka Booliska Somaliland
Muuse Biixi oo ka Hadlay Xuska 27-guurada Aas-aaskii Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi ayaa ka qayb-galay sannad-guurada 27-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland oo maanta ku beegan.
Muuse Biixi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa Ciiddanka Booliska Hambalyo guud u diray, waxanna uu sheegay inay qaran ahaan og yihiin hawsha adag ee ay bulshada u hayaan, taas oo inta badan ay ka soo gaadho khasaare naftooda halis geliya.

"Waxan hambalyo u dirayaa dhammaan Ciiddanka Booliska, janannadooda, saraakiisha, saraakiil-ku-xigeenka, alifleyda, dablayda, iyo xaasaskoodaba, qaran ahaanna waannu uga mahadnaqaynaa hawsha ay noo hayaan, waana ciidan maalin walba iyo saacad walba hawl aan loo ogayn ku jira, dhaawacooda iyo dhimashadooduna badan tahay, qaran ahaanna waannu garab taagannahay.”
Ugu dambayntii Muuse Biixi waxa uu billado dahab ah iyo derejooyin ku taxay qaar kamid ah saraakiisha kala duwan ee ciidanka Booliska, kuwaas oo shaqo-wanaag iyo hawl-karnimo muujiyey muddadii ay ciidanka kamid ahaayeen, waxana uu kormeeray gaadiid iyo dhismeyaal kala duwan oo ciidanka Booliska usoo kordhay, isaga oo xadhigga ka jaray dhisme ballaadhan oo loo bineeyey saraakiisha ciidanka Booliska.
Loading...
Loading...


0 





