Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ku Dhawaaqay Mudo Korodhsi Loo Samaynayo Xildhibaanada

0
Tuesday November 03, 2020 - 17:18:10 in News by
  • Visits: 1855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ku Dhawaaqay Mudo Korodhsi Loo Samaynayo Xildhibaanada

    Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ku Dhawaaqay Mudo Korodhsi Loo Samaynayo Xildhibaanada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ku Dhawaaqay Mudo Korodhsi Loo Samaynayo Xildhibaanada

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh ayaa shaaciyey in baarlamaanka federaalka ee xiligan uu waqtiga kororsan doono uu sii shaqeyn doono marka uu waqtigiisu uu dhamaado.


Mursal ayaa ku doodaya in baarlamaanku uu sii joogayo, haddii la heli waayo baarlamaan kale oo badala, midaasi oo ka dhigan in weli uu sii shaqeyn doono baarlamaanka xiligan haddii uu dib u dhac ku yimaado jadwalka doorashada.



Waxa kale oo uu sheegay in xiliga xil-heynta baarlamaanka federaalka uu ku eg yahay 27-ka bisha soo socota ee December, balse ay taasi ka dhigeyn inay kala dareeri doonaan ilaa inta uu diyaar ka noqonayo baarlamaankii badeli lahaa.


"Ilaa hay’ad tii bedeli laheyd ka imaaneyso baarlamaankan waa sii shaqeynayaa, ilaa qorshaha doorashada ay dhameystiraan dowlad goboleedyada iyo hay’adaha federaalka baarlamaanku wuu shaqeynayaa,” ayuu yiri Mursal.


Waxa uu intaas kusii daray guddoomiyuhu "Majiro baarlamaan iska kala taga, iyadoo aan shaqada lagala wareegin”.


Si kastaba, hadalkan ayaa imanaya xili uu dib u dhac wajahayo jadwalkii doorashada 2020/21 ee dhawaan magaalada Muqdisho heshiiska uga gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka.

Guddoomiye Mursal oo ku dhowaaqay muddo kororsi uu sameynayo baarlamanka

Loading...
Loading...