Wasaarada Ciyaaraha Oo Faah Faahisay Ganaaxyo La Duldhigay Ciyaartoy Iyo Tababarayaal
Hargeysa(HWN):-wasaarada ciyaaraha somaliland ayaa faah faahin ka bixisay ganaaxyo ay soo saareen guddida anshaxa ee ciyaaraha goboladu.
Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaarada Maxamed Nuux aya warbaahinta u faah faahiyey ganaaxyo la duldhigay ciyaartoy iyo tababarayaal lagu eedeeyey inay sameeyeen rabshado.

Agaasime Maxamed Nuux oo ka hadlaya ganaaxyo la duldhigay ciyaartoy ka tirsan xulka gobolka Saraar ayaa waxa uu yidhi "Guddida dacwadaha iyo anshax marintu waxay soo saareen in 8 ciyaartoy oo gobolka Saraar ka tirsan oo warbaahinta la hadlay ay go’aan ka soo saareen kuwaas oo lagu ganaaxay inaanay mudo sadex sanadood ah ka qayb galin ciyaaraha somaliland, isuduwe kasta oo gobol jooga iyo cid kasta oo madax ah oo ciyaaraha joogtana lagu socodsiiyey.”
Sidoo kale waxa uu ka hadlay ganaaxyo laga soo saaray ciyaartii muranka dhalisay ee Daad Madheedh iyo Xaysimo "ciyaar dhamaatay oo garsoore dhexe soo saaray go’aankeeda lagama noqdo, dhaliilana wuu yeelan karaa garsooruhu taas ayaana keentay ganaaxyada ay guddida anshaxu soo saaray.”
Sidoo kale waxa uu ka waramay tababarayaal la ganaaxay "tababare ku xigeenka Xaysimo waxa lagu ganaaxay hadal laga duubay oo kicin iyo abaabul uu ciyaartoyga ku sameeyey si ay garoonka uga soo baxaan, tababare Diridhaba isaga waxa lagu ganaaxay inuu dhaafay xayndaabkii loogu tala galay.”


0 





