Dilka Muwaadin Soomaaliyeed oo Aalad La Yaab leh loo adeegsaday oo ka dhacay K/Afrika

0
Tuesday November 03, 2020 - 12:17:32 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 2953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilka Muwaadin Soomaaliyeed oo Aalad La Yaab leh loo adeegsaday oo ka dhacay K/Afrika

    Qaar kamid ah ehellada Marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah ehellada Marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa




Waxaa Gudaha dalka Koonfur Afrika dhaawac tooreey oo loo geystay ugu geeriyooday Ibraahim C/llaahi Maxamed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaasi Koonfur Afrika.

 

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in Maalmo ka hor ay tooreey Wadnaha kaga dhufatay Haweeneey ay murmeen, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay, waxaana uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla degaanka Kalaamos oo ku dhow Tuulada Paarl ee Magaalada Cape Town.

Qaar kamid ah ehellada Marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxaana ay sheegeen in dhaawac culus oo ka gaaray Wadnaha uu u geeriyooday, iyada oo Haweeneydii falkaasi ka dambeeysay ay xireen Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika.

 

Dalka Koonfur Afrika oo kamid ah wadamada Afrika ayaa waxaa kusii kordha dilalka muwaadiniinta Soomaaliyeed loo geysto xilliyada sanad dhammaadka, iyadoo aanay muuqan Dadaalo dhab ah oo ay arrintan ugu istaageen Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Koonfur Afrika iyo laamaha Amniga dalkaas.


Loading...
Loading...