Heshiiska Carabta Iyo Israel Ma Dhalin Karaa Tartan Hub Urursi Ah?
Heshiisyadii u dambeeyey ee xidhiidhada
diblomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi ay ku kala saxeexdeen Israel iyo saddex dal
oo Carbeed ayaa waxay bog cusub u fureen taariikhda dalalkaa cadaawadda
gaamurtay dhex taallay.
Laakiin
"moorada nabaddu" waa siduu u dhigay ra'isal wasaaraha Israel e,
waxay qarisay dhacdooyin kale oo waaweyn.
Arin kale oo beryahan ba socotay waa in dalal badani hub cusub iibsanayeen.
Dalka
ugu horeeyey ee wadama Khaliijka ee xidhiidhka la yeesha Israel, waa Imaaraadka
Carabta e, ayaa qarka u saaran inuu Maraykanka ka iibsado diyaarado aad loo
jecel yahay oo kuwa dagaalk ah.
Israel
oo iyadu ahba dalka leh cududda milatari ee ugu horumarsan gobolka, ayaa
iyadana laga filayaa in ay hub culus hesho.
Maraykanku
wuxuu u arkaa in hubka ay dalalkaasi ka iibsanayaan uu awood dheeraad ah siin
doono dalalkaa ay xulafada yihiin ay kaga xoog roonaaadaan Iran oo Maraykanku u
arko in ay ay halis ku tahay dunida oo uu damacsanyahay inuu go'doomiyo.
Arintu waa 'qab'
Diyaaradaha dagaalka ee F-35 Lightingin II ee ay samayso shirkadda Maraykan ka ah ee Lockheed Martin, waa diyaaradaha dagaal ee ugu casrisan dunida waxaanu Jason Bronk oo ka tirsan mac-hadka Royal United Services Institue ee Ingririisku ku tilmaamay "mar la arag".
Imaaraadku muddo dheer ayuu daba socday inuu helo, waxaana la sheegaa
in ay lix sannadood gaadhayso inta uu ka codsanayey Washington in ay u ogolaato
in laga iibiyo diyaaradaas oo uu noqdo dalkii u horeeyey ee Carbeed ee
diyaaradahaa yeesha.
Jason Bronk wuxuu sheegay in diyaaradahaas F-35 ay Imaaraadka uga dhigan yihiin "qab qaranimo."
Khamiistii ayaa warbaahinta Maraykanku ku warantahay in maamulka Trump
si aan toos ahayn ugu wargeliyey Congress-ka inuu qorshaynayo in laga iibiyo 50
diyaaradahaa dagaalka ah dalka Imaaraadka oo laga siin doono 10.4 bilyan oo
doolar.
Arintaasi waxay Imaaraadka u tahay tallaabo loo qaaday dhanka wax uu
muddo dheer doonayey maadaama oo sannado badan isku dayo uu ku doonayey inuu
iibsado diyaaradahaas hase yeeshee ay suurto geli wayday.
Caqabadaha oo meesha laga saaro
Heshiiska uu Trump ka odayeeyey bishii Ogost waxa ka soo baxay in
Imaaraadku noqdo dalkii saddexaad ee Carbeed iyo kii koobaad ee dalalka
Khaliijka ee xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesha Israel.
Israel arintani waxay u ahayd dhacdo taariikhi ah oo ay ku heshay in
dalala gobolku ku qiraan jiritaankeeda iyo sidoo kale in uu u furmay dhabbe
ganacsi oo hor lihi. Imaaraadka na wuxuu u yahay koboc dhaqaale iyo sidoo kale
in uu galaan gal u yeesho dalka ugu awoodda badan dhanka tiknoolajiyadda
internet-ka.
Falastiiniyiinta ayaa aad uga soo horjeestay arintaas, waxaanay u arkaan talaabo dalalkii Carbeed ku wacad fureen rajadii ay ka qabteen in ay dawlad ay leeyihiin ku helaan.
Waxa jira arimo kale oo laga sheegay heshiiskaa.
Wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee Imaaraadka, Anwar Gargaash, ayaa
sheegay in heshiiskaa nabadeed meesha ka saari doono "caqabad kasta"
oo hortaallay iibka diyaaradaha F-35, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in codsiga
Imaaraatku "aanu wax xidhiidh ah" la lahayn heshiiska. Saraakiisha
Imaaraadku waxay sheegeen in heshiiska ay Israel la galeen aanu ku jirin haba
yaraatee wax dhinaca milatariga ahi.
Madaxda Israel way ka foojigan yihiin
[Madaxda] Israel qaarkood ayaa aad u diidan in diyaaradaha F-35 laga
iibiyo Imaaraadka oo waxay ka cabsanayaan in arintaasi saamayn taban ku yeelan
karto awoodda milatari ee dalkooda.
Sharciga Maraykanka ayaa wuxuu dhigayaa in hub kasta oo uu Maraykanku
ka iibiyo dalalka Bariga Dhexe aanu liicinin tayada milatariga Israel kaga
gacan sareeyey dalalka la deriska ah.
Sidaa awgeed ayaa Israel ku noqotay dalka keliya ee Bariga Dhexe ku yaal ee yeesha diyaaradaha F-35 oo konton ka mid ah diyaaradahaas oo xabbadii ay ka siisatay 100 milyan oo doolar lagu wareejin doono sannadka 2024.
Laakiin waxa dalkaa ka bilaabmay dood siyaasadeed oo adag ka dib markii
wargeys Israel ka soo baxa iyo warbaahinta Maraykanka qaarkeed ku warameen sir
ahayd in Ra''isal Wasaare Benjamin Natenyahu aqabalay in Imaaraadka laga iibiyo
diyaaradaha F-35 intaan la bilaabin wadaxaajoodkii heshiiska lagu kala
saxeexday.
Xafiiska ra'isal wasaaraha ayaa se arintaa si adag u beeniyey, waxaanu warbixin dheer oo uu soo saaray ku sheegay in uu diidan yahay in Washington diyaaradahaa ka iibiso Imaaraadka. Waxa sidoo kale uu beeniyey in ra'isal wasaaruhu ka qariyey wasaaradda gaashaan dhigga dalkiisa inuu aqbalo in diyaaradahaa laga iibiyo Imaaraadka.
Dulmi 'la fasaxay'
Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac weyn ka muujiyey duruufta
dalka Yemen ee ay baabiiyeen dagaalada dhex maraya dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee
Iran taageerto iyo xoogagga dawladda taabacsan ee ay taageerayso xulufada
Sucuudigu hogaaminayo ee Imaaraadkuna ka midka yahay.
"Hubka laga iibinayo [dalalkaasi] waa tilmaan cad oo muujinaysa in ay dagaalkaa wadaan" ayay tidhi iyada oo BBC-da la hadlaysa Raadiya Al-Mutawakil oo ka mid ah aasaaseyaasha xarunta Muwaadana ee xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay magaalada Sanca.
Jason Bronk ayaa sidoo kale sheegay in mudoba uu Imaaraadku isku
dayeyey in uu Maraykanka ka iibsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maadaama
oo ay ku duqayn karaan Yemen oo joogga ay ku duulayaanna aanay gaadhayn
gantaalaha lidka diyaaradaha ee Xuutiyiintu.
Xulufada Sucuudigu hogaaminayo ayaa se beenisay in ay rayidka ku bartilmaameedsato dalkaas.
Tusbax furtay iyo 'xulufada Iran'
Hadii Imaaraadku helo diyaaradaha F-35, waxa dhici doonta in dalal
Carbeed oo kale ku dayan doonaan taasina ka dhigi doonto arinta "tusbax
furtay" ayuu yidhi Bronk.
Waxa se laga yaabaa in arintaa aanay diidin sarakiil badan oo Maraykan
ahi kuwaas oo u arka in loo baahan yahay in laga hortago koboco awoodda Iran
iyo suuqa uu bariga dhexe Shiinuhu uga helay hubka uu sameeyo.
Aqalka Cad ayaa aad iskugu hawlay in uu hubka Maraykanka ka iibiyo
boqotooyooyinka Khaliijka iyo xulufadiisa kaleba si uu u horumariyo shirkadaha
Maraykanka ee hubka soo saara.
Sannadkii hore ayaa waxa muran ka dhashay go'aankii Madaxweyne Trump u adeegsaday xeerarka xaaladda degdegga ah si uu uga talaabsado diidmadii Congress-ka ee ahayd in aan hub balaayiin doolar ku kacaya laga iibinin dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Urdun.
Danjirihiisa Israel u fadhiya, David Friedman, ayaa se aan waxba ka soo
qaadin walaaca laga qabo in Imaaraadku helo diyaaradaha F-35 mar hadii uu
heshiis nabadeed la galay Israel.
Khubarada ayaa iyaguna waxay ka dardaar werinayaan awoodda Iran ee
kobcaysa in kasta oo diyaaradaheeda dagaalku gaboobeen.
"Tehran waxay tobankii sano ee la soo dhaafay horumarisay
gantaalaheeda ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaalaha
ridada dheer iyo sidoo kale gantaalaheeda lidka diyaaradaha" ayey tidhi
Kornayl Christine McVann oo ka tirsan mac-hadka cilmi baadhista ee The
Washington Institue.
Hase yeeshee khubaradu way ku kala aragti duwan yihiin in heshiiskaa
Imaaradku saxeexay soo dedejiyey in la meel mariyo codsigiisa ah in laga iibiyo
diyaaradaha F-35 iyo in kale, waxay se tilmaameen in ay dhici karto in
Congress-ku arintaa hakiyo ama gebi ahaan tiiba joojiyo iibkaa hadii Biden
madaxtinimada ku guulaysto.
BBC