Ruushka Oo Ballan-qaaday Inuu Soo Galayo Dagaalka Armenia Iyo Azerbaijan

0
Monday November 02, 2020 - 18:36:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Ballan-qaaday Inuu Soo Galayo Dagaalka Armenia Iyo Azerbaijan

    ...Dagaalka ayaa muddo bil ka badan ka socda gobolka Karabakh...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...Dagaalka ayaa muddo bil ka badan ka socda gobolka Karabakh...

Ruushka ayaa ballan-qaaday inuu ka caawin doona Armenia dagaalka ay kula jirto Azerbaijan, haddii uu soo gaaro gudaha dalkaas, kadib markii Yerevan ay codsatay kaalmo amni.



Codsiga Armenia ay u dirtay Moscow ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay isku dhacaan Ruushka iyo Turkey, oo ay xulufo yihiin Azerbaijan.


Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa si rasmi ah u weydiistay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin inuu billaabo "wada-tashi deg deg ah” oo la xiriira caawimaad amni oo uu siiyo ciidamada Armenia, xillia kuwa Azerbaijan dhulal badan ka qabsadeen gooni u goosatada gobolka la isku hayo ee Karabash.


Codsiga ayaa sidoo kale yimid kadib markii Azerbaijan iyo Armenia ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan xabad-joojin cusub intii lagu guda jiray wada-hadallo Jimcihii ka dhacay magaalada Geneva.


Si kastaba, madaxweynaha Azerbaijan Ilhan Aliyev ayaa Axaddii sheegay inaysan jirin sababo Ruushka ay usoo faro-geliyaan dagaalka, sababtoo ah buu yiri, Baku halis kuma ahan dhulka Armenia.


Dagaalka ayaa muddo bil ka badan ka socda gobolka Karabakh, oo ay degan yihiin dad Armenian ah, balse ka tirsan dalka Azerbaijan.

Loading...
Loading...