Guddoomiyaha UCID Oo Farriin U Diray Shacabka Iyo Siyaasiyiinta Somaliland

0
Monday November 02, 2020 - 18:30:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha UCID Oo Farriin U Diray Shacabka Iyo Siyaasiyiinta Somaliland

    Guddoomiyaha UCID Oo Farriin U Diray Shacabka Iyo Siyaasiyiinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha UCID Oo Farriin U Diray Shacabka Iyo Siyaasiyiinta Somaliland

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Shacabka ugu baaqay, gaar ahaan siyaasiyiinta inay ku mashquulin waxyaabaha gudaheenna ah, isla markaanna ay la socdaan waxyaabaha ka dhacaaya harreeraheenna.
Feysal Cali Waraabe: Haddaan helo cid aan ku aamino xisbigeyga waan uga kacayaa kursiga - BBC News Somali


Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dawladda federaalka ee Soomaaliya ay dagaal ku hayso Somaliland, laakiin waxa uu sheegay inay Farmaajo meesha ka saarri doonnaan.

"Anigu laba toddobaad baan ka maqnaa dalka, waxaan uga maqnaana wax kale maaha meeshan soomaaliya horta kama jirto dawlad Soomaaliya ahi, waanna meesha la innaga dilo, doorkanna waxa fadhiistay oo afartii sano ee u danbeeyay Muqdisho fadhiyay intii innoogu necbayd Soomaaliya, imikanna doorashaddeedii baa jirta oo qabaa'il ah ama waxan ay ku sheegaan 4.5, markaa waxaannu doonaynaa dagaalkii uu Farmaajo keennay Buuhoodle, Tukaraq iyo Badhan waxaannu doonaynaa in aynu Xamar gayno oo ka saarno.

Markaa waxa loo baahan yahay inaanay shacabka Somaliland isku meerraysan ee ay Madaxoodda sarre u qaaddaan, oo weliba siyaasiintu harreerahoodda eeggaan, waa inaan aaminnaa dalkeenna, waayo Xamar waxba ma yaallaan ee Xabbad baa taalla." Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
Loading...
Loading...