Xubno Ka Tirsan Guddiga Xuquuqal Insaanka Oo Kormeeraaya Hay'addaha Dawliga Ah Ee Gobolka SOOL

0
Monday November 02, 2020 - 18:26:43 in News by A. Asbaro
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Ka Tirsan Guddiga Xuquuqal Insaanka Oo Kormeeraaya Hay'addaha Dawliga Ah Ee Gobolka SOOL

    Xubno Ka Tirsan Guddiga Xuquuqal Insaanka Oo Kormeeraaya Hay'addaha Dawliga Ah Ee Gobolka SOOL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno Ka Tirsan Guddiga Xuquuqal Insaanka Oo Kormeeraaya Hay'addaha Dawliga Ah Ee Gobolka SOOL

Hargeisa(HWN):-Xubno ka tirsan Guddiga xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa maanta gaadhay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaannay kormeer indho-indhayn ah ku taggeen Xabsiga dhexe ee Laascaanood, Saldhigyadda booliska magaaladaasi, Maxkamaddaha, dawladda hoose iyo Xarumaha Wasaaraddaha Caddaalada, Arrimaha bulshadda, Waxbarashadda iyo Caafimaadka iyo meelo kale.
Rooda Axmed Yaasiin Oo Si Adag Uga Hadashay Tacadiyada Ka Dhaca Somaliland | Waaberi News


Guddiga Hay'adda xuquuqal insaanka Somaliland ayaa saddexdii biloodba mar kormeer balaadhan ku sameeya Hay'addaha adeegyadda bixiya, kuwaasoo ay eeggaan sida ay bulshadda ugu shaqeeyaan iyo haddii wax tacaddi ahi jiro.

Sidoo kale, Xubnahan komishanka xuquuqal iinsaanka qaranku waxay kulan la qaateen Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

"Madaxda ka socota Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland waxaan idin leeyahay ku soo dhawaadda gobolka SOOL iyo magaaladda Laascaannood oo xaruntii guud ah, runtii Komishanka Xuquuqal Insaanku waa Hay'addaha ugu muhiimsan dalkeenna haddii la xoojiyo, oo aynu kula tartami karno dalalka dhiggeenna ah, dadkeenuna ay ku heli karraan Xorriyaad badan oo Sharcigu u ogol yahay.

"Gobolkan Sool waxa uu leeyahay durruufo badan oo ay ka mid yihiin gobolka oo ku yaalla meel Xad ah oo Soomaaliya dhinaca ku hayso, Soomaaliyanna waxa innaga dhaxeeya dagaal siyaasaddeed iyo mid duullaan labaddaba, markaa Komishanka Xuquuqal Insaanka waxaannu ka rabnaa ay xoojiyaan shaqaddooda gobolka SOOL, waayo waxa jira Colaaddo qabaa'il ku salaysan oo mararka qaarkood iska dhaca, kuwaas laftiggoodda waxa la rabbaa inaad Wacyi-gelin u samaysaan bulshadda," Ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka SOOL Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Rooda Axmed-yaasiin oo ah Xubin ka tirsan guddiga xaquuqal Insaanka qaranka oo weftigan hogaaminaysa ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedadda safarkoodda.

"Halkan aannu joognaa waa Xabsigii dhexe ee magaalada Laascaannood, waxaa nala joogga Taliye ku-xigeenkii Xabsiga, waanan u mahad-naqayaa dhammaan-ba Saraakiisha Ciiddanka Asluubta sida fiican ee ay noola shaqeeyeen. Waxaannu kormeer ku samayn doonnaa Hay'addaha gobolkan sida Waxbarashadda, Caddaalada, Maxkamaddaha, Saldhigyadda Booliska iyo meelo kale inta aannu ku gudo-jirno safarkayagan." Ayay tidhi Roodda Axmed Yaasiin.

Loading...
Loading...