Qayladhaanta Ka Soo Yeedhaysa Taawarada Isgaadhsiinta Ee Buurahadulyaal (Base Stations) Ee Somaliland.

0
Monday November 02, 2020 - 16:28:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qayladhaanta Ka Soo Yeedhaysa Taawarada Isgaadhsiinta Ee Buurahadulyaal (Base Stations) Ee Somaliland.

    W/Q: Mohamed Bashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Bashe
Dhulkii xoolihii inoo daaqayeen waxaa ku batay TAAWARADII isgaadhsiinta. Warka telephone nada EE hawada isaga gooshaya waa (RADIO FREQUECY RF WAVES) WAA MAWJADO (ELECTRMAGNETIC)-GAMA RAYS, X-RAYS AND ULTRAVIILET RAYS).



Hadda waxaa miyigii meelihii taawarada kasoo ifbaxay dhibaatooyin baahsan oo si joogta ah usaamaynaya dadkii, xoolihii,dhirtii iyo cayayaankii iyo noole kastaba. Caalamka kale mawjada Electromagnetic ay EE isgaashsiinta ee Hawadii noolayd qasifay talaabooyin bay ka qaadaan maalinle ah oo Jaamacado iyo hayadaa ay khusaysaa qabtaan laakiin inaga fikirkeenii iyo NIDAAM kii dawladnimo iyo xadaaraddii ayaa inta cirka iyo dhulku isu jiraan isu jira.


Malabkii buuraa laga keeni jiray wuu yaraaday waanuu xummaaday dhibaatada Taawaradu degaankii Keenan awgeed oo shinnidii iyo ubaxii iyo oxygen tii baa isbedel ku SOCDAA.


Waxaa soo ifbaxay dadkii iyo xayawaankii oo xannuunsaday oo ku SOCDAA ku bateen sida madaxwareerka, dawakh ,cuncun maqaarka ah, Daal, cunno did (loss appetite, ) Cancer, dumarka iyo Caruurna xannuunadoodii oo laba kacleeyey, dadkaasi Goobo caafimaad malaha.


Waxan dadka dhibay waa GANTAALO AAN ISHU QABANAYN ( GAMMA RAYS, X-RAYS) OO JIDHKA IYO DHIRTA DHEX GELAYA.


TELEPHONADAN SEDDEXDA MALYUUN EE REER SOMALILAND QOFKASTAA SITTAA FAAIIDOOYIN IYO KHASAARE LABADA WEY LEEYIHIIN, DHAQAALAHEENU MAAHA DAARO, TIJAAR, WERSHADO EE WAA MIYIGA IYO XOOLAHA NOOL. QOFKASTOO INAGA MIDIBA WAA REER MIYI DHAR MAGAALO XIDHAY, MADAXNA INA SOO MARTAY NIN AAN GARANAYN MAALINTII MIYI LAGA KEENAY MAJIRO EE FARTA-LA-GELIYEY, SIYAADBA BARRE WUU YAQAANAY MAALINTII MIYI , Muse Biixi wuu ogyey maalintii miyi laga keenay inta labadaa u dhexeysa EE wadankan madax u ah ama u ahaa wey ogyihiin Miyiga iyo XOOLAHA qiimahooda maantana dabar go bay ku dhaw yihiin.


Shacabka reer miyiga haddaan wax lagala qaban dhibaatadan ay TAAWARADA IYO TELEFOONADU SOO KORDHIYEEN TAALOOBO BUURAA DUSHOODA AH BAA IMANAYSA.


BADI MEEL KASTA ITAAL DARO XUKUUMADEED BAA JIRTA OO AAN DAWLADNIMADDII AQOON LOO LAHAYN OO SHAQAALIHII IYO WASAARADII WAA MAGAC U YAAL.MAALINTA LA YIDHAA MADAXWEYNIHII BAA MEEL QABANAYA WEY DABAYAACAYAAN , KII MAXKAMADAA KII WAKAALADAA WAY DABAYAACAYAAN, KII DAWLADDA HOOSE, XITAA KUWA SHIRKADAHAA DABAYAACAYA ,MADAXWEYNEYAASHA REER SOMALILAND WEY KA HELAAN DABAYAACA, KHARASHOO DHAMINA MIISKA MADAXWEYNAHA AYUU IMANAYAA REER MIYIGIIGA MCH LOOMA OGOLA.


REER MIYIGII WAY SOO OODATAY KHAASATAN KUWII BUURAHA KU NOOLAA EE TAAWARADA LA NOOLAA


WAXAY QAADAYAAN:

RAGGA NAAXAYEE LAGA NAAXIWAAYEY RAGGA NAAAXAYEE LAGA NAAXIWAAYEY - ISU NAALLEE- ISU NAALLEE.


M BASHE
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...