Is Barbar Dgigga Trump & Biden (+ -)

0
Monday November 02, 2020 - 16:15:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is Barbar Dgigga Trump & Biden (+ -)

    W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare


1-Biden waa nin u debecsan una roonajinebiga, madawga & Hispanicga!



2-Trump 4 sanno wadan Muslim ah kuma duulin, halka Obama burburiyay Suuriya & Liibiya, Bushna Ciraaq & Afghanistan.


3- Biden waa miskiin kal-kaal jecel in la gacan qabto dan-yarta, gaar ahaana in $15 qofka ugu yari saacadii qaato.


4- Trump wuxuu u roon yahay ganacsatada iyo dadka wax-soosaarka leh oo uu cashuurtii aad uga dhimay.


5- Biden wuxuu aad uga soo horjeeday figradaha xagjirka ah ee Netaniyahu kula dhaqmo Falastiin. Xiligii Obama iyo Netaniyahu aad bay col u ahaayeen oo John Kary waa kuwii ku bahdilay Talaviv.


6- Trump uma hiiliyo Faransiiska oo isu haysta inuu yahay xakameeyaha Islaamka, dhex ayuu ka yahay markay reer EUku goobtaan Erdogan illaa Liibiya, Suuriya, Giriiga & Armania! Wuxuuna taageero dadban u yahay Turkiga.


7-Biden wuxuu aaminsan yahay inaan Iran la cunno qabaytayn, oo aan layska raacin dacaayada Israel & Faashlayaasha Carbeed ee la safan.


8- Biden wuxuu difaacaa Soomaalida markuu Trump weeraro.


9- Trump wuxuu difaacaa inaan ilmaha uurka ku jirra dumarku iska soo dhicin oo ay la mid tahay naf la gooyay.


10- Biden wuxuu Madaxweyne ku xigeen ka dhigtay gabadh madaw oo magac Islaam leh Kaamila Xaaris oo ay iska dhaleen aabe Jamaykaan ah iyo hooyo Hindi ah.


11- Trump wuxuu ka soo horjeedaa ragga & Dumarka qoomu-luudka ah, wuxuuna aaminsan yahay in rag & dumur kali ahi is guursan karaan.


12- Biden maaha cunsuri, waxaana iyadoo IA iyo NH dhulka cadaanku u badan yahay dhulka lagu jiiday ayaa waxaa u hiiliyay oo soo saaray dadka madaw ee SC iyagoo ka shinsanaya inuu Obama wato oo MX u ahaa.


13- Trump wuxuu la saftay Masar khilaafka webiga Niil isagoo Ethiopia cunna qabateeyay una hanjabay.


14- Biden wuxuu difaacaa Obamacare oo uu Obama 20 malyan oo qof caafimaad ku siiyay, oo Soomaalidu ku liibaantay.


15- Trump wuxuu difaacayaa danaha Carabta la saaxiibka ah Israel.


16- Biden waxaa lagu ximaarinayaa inuu Ilhaan wasiirka Amniga ka dhigi doono (shalaybuu Trump ku duray), xuduudadana ay baliqi doonaan, wadankana 700% ay qaxoontiga soo kordhin doonnaan.


17- Trump Sunniga Muslimka ah uma darra marka laga reebbo wadamada burburay ee qaxoontiga ah.


18- Biden Turkiga hanjaabaad kulul buu ku hayaa Erdogana xiligii isaga & Obama joogeen baa saldhiga cirka USA ee Incirlik (Turkey)ee Erdogan laga inqilaabayay lug kulahaa. Cilmaaniyiinta caalamiga ahna oday buu u yahay.


19- Trump ma jecla dadka aan cadaanka ahayn


20- Biden wuxuu soo daliishaday Xadiiskii nebiga scw ee ahaa "hadaad dulmi aragto gacantaada ku suuli, hadadan awoodin carabkaaga..." Isagoo ku sharfaya wanaagii suubanaha.


20- Trump wuxuu la heshiiyay Talibaan wuxuuna aad ula diriray Daacish & Shabaab.


21- Biden wuxuu difaacaa xuquuqda Muslimiinta USA oo ay ugu horeeyaan Ilhaan & Rashiida waloowba aanay loolankii hore aanay taageerin ee ay reer Sanders ahaayeen.


22- Trump wuxuu maxkamada sare u magacaabay 3 qof oo dhaqanka & diimaha u janjeedha (Iskuulada gaarka ah ee Kiristaanka & Diimaha kale sida Islaamka & Yuhuudaba in kharashka oo dhan laga bixiyo ayuu aaminsan yahay) Iskuulada Muslimka ee kuxigeenka Trump ee Pence oo hore u ahaa gudoomiyaha gobolka Indiana waa billaa lacag Iskuulka Islaamiga ahi, halka Iskuulada Islaamka ee Minnesota ka yihiin $550 aradaygiiba bil kasta (Charter maaha waa private). Xaakimada Trump waxaa la tuhunsan yahay inay mamnuuci doonaan Roe v Wade oo Haweenka u ogolaaday inay ilmaha iska soo xaaqaan, iyo inay xarimi doonaan is-guursiga qooma-luudka.


Boowe raggani way isu-keen kala feeraariyeen ma is tidhi?

Sawaaxiligu waxay ku maahmaahaan "Dhiiggu wuu ka culus yahay biyaha". Abwaankii Soomaaliyeedna wuxuu yidhi, midab-kaaga kii neceb, muuqaaga kaan rabin, kiisana ha meel-marin! Dhaqanka waxaa ku wacan Republicanka, Tolnimadana Democratka!


Gunaanadkaygu waa Trump ima jecla anna waxaan u ololaynayaa siduu ku dhici lahaa awoowgii la gub! Laakiin illaahayoow Biden ka badbaadi Amiirul-Muuniinka Muslimka Xorta ee Erdogan!


W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

[email protected]

Facebook: Axmed-Assad (Assad Awaare)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...