Rabitaanka Dadka Sidee Loo Kasbadaa!

0
Monday November 02, 2020 - 16:09:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabitaanka Dadka Sidee Loo Kasbadaa!

    W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

Wiil Tanzanian Muslim ah baan dorraad weydiiy "Doorashada maanta ee wadankaagii yaa ku guuleysan doonna?"


Wuxuu si sahlan u yidhi "shaki kuma jirro inuu Magufuli soo nooqonayo".

Aniga: Oo maxaad sidaa u tidhi?"

Isaga: 1) Magufuli 5 sanno ayuu Madaxweyne ahaa, weligiina safar dibadda ah uma bixin, xataa wadamada deriska ahna weli muu tegin isagoo Madaxweyne ah.

2) Magufuli wuxuu hore u soo ahaa wasiir illaa 3 wasaaradood, wax walbana wuu ogaa. Maalintii uu xilka la wareegayba wuxuu xabsiga dhiggay aabihii musuq-maasaqa ee maareeyihii dekedda Dara-salaam oo uu dabagal ku hayay intuu musharaxa ahaa. Maareeyuhu wuxuu lahaa 2 qasri oo waaweyn. Wuxuu ku yidhi, mushaharkaaga oo dhami waa intaase xageed hantidan ka keentay? 2dii gurina midna caruurta ayuu u daayay, kii kalena dawladda ayaa la wareegtay, isagiina 10 sanno ayaa la xidhay.

3) Wax yar kadibna, wuxuu isugu yeedhay 7da nin ee dalka ugu taajirsan oo kuligood Mulim Hindi ah. Wuxuu u keenay nin walba faylkiisa iyo intii ay cashuur la dhuunteen 10kii sanno ee u dambeeyay. Wuxuu ku yidhi, waad aragtaan waxaad na badeene, 10 cisho soo tashada oo igu soo war celiya. Maalintii tobnaad ayay keeneen $750, 000, 000 (750 malyuun oo doollar) oo ay iska soo ururiyeen. Tanzania illaa 60kii xor bay ahayd, weligayana diyaarado aanu leenahay maanu lahayn. Lacagtii buu diyaarado waawayn USA kaga soo iibiyay oo Tanzania airline ku billaabay.

4) Shiinaha oo macdan-qodista ku helay heshiis musqmaasuq ah oo ay 80% ku qaadanayaa, 20% na ay Tanzania lahaydna dhammaan wuu kansalay, wadankana wuu ka saaray. WTO baanu kugu dacwaynaynaa bay meelahaa la meeraystaan.

5) Wuxuu ku yidhi madaxda reer-galbeedka, anigu nina gurigiisa ugu tegi maayee, ninkii Tanzania dani kaga xidhan tahayoow noo kaalay.

6) Wuxuu u yeedhay ninka Afrika u taajirsan Aliko Dangote oo Nayjeeriyaan ah, wuxuu ku yidhi, deked weyn Mutuwaara nooga dhis, si Malaawi iyo wadamada bilaa badda ahi badeecada ugala soo degaan, 10ka sanno ee hore adigaa leh wixii ka soo baxa, wixii intaa ka dambeeyana anagaa leh. Dekedii sidaasay ku dhisantay.

7) Buurta Kiliminjaaro ee Africa ugu dheer oo xadka Kenya ku dhaw ayay dalxiiseyaashu intay Kenya ka soo degaan dhulka soo mari jireen. Wuxuu yidhi, Kenya buurtayada-dib-noogula-dhuuqi- mayso, marka xadka Kenya dalxiise kama soo talaabi karo, fiisuhu Daarasalaam buu yaallaa qofkii Kilimanjaro raboow. Iminka anaga keliyaa Kiliminjaaro noo irmaan tahay.

8) Hooyaday iyo aabahay oo Islaamka aad ugu dhegani, maalin walba waxay u duceeyaan Magufuli oo Masiixi ah!

9) Markuu booqdo magaalo, wuxuu isugu yeedhaa dhammaan madaxda gobolka, booliska iwm wuxuuna dadweynaha weydiiyaa inay masuulkan ku qanacsan iyo in kale, hadii lagu oriyo masuulkaa, isla goobtaasuu xilka kaga xayuubiyaa, ka loo sacabiyana wuu u daayaa booskiisa!

Marka boowe cidi kuma haysato odaygee wuu guulaysanayaa ayuu hadalkiisii kusoo amaamuday!

Saaka ayaan akhriyay joornaalkii, mise waa Magufuli oo ku guulaystay 84%.

Afka Oromada tirada 10 waxaa loogu dhawaaqaa KU-DHAN, anigana warkaygu intaa ku dhan!

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare
Facebook: Axmed-Assad (Assad Awaare)
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...