Wadaddii Cadayd Ee Af-Weyne Buu Askariggii Cagta Saaray ( Abdi-Shotaly) .

0
Monday November 02, 2020 - 16:04:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadaddii Cadayd Ee Af-Weyne Buu Askariggii Cagta Saaray ( Abdi-Shotaly) .

    * N.B Nin Is Waalaba Waabiyaa Hella!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Nin Is Waalaba Waabiyaa Hella!


Ku daya-shadda indhaha li'i, waxay hodaa inta badan dadka caqliga gaaban, waxana ay u horseedaa in uu qof-kaas qaado jid ku soo xidhmi doono, oo aan meela u wadayn, Aakhir-kana qabkii xumaa ee uu isku qafilay baa jar kala booda, Taas oo aanu dib uga soo noqonayn. ilayn waa maskax madhan oo hadana wax is bidaye, Wuxu miciin moodaa in uu isku xeero, inta ugu dhaw-dhaw, sidda wiilalka uu qof-kaas dhalay, kuwa uu ka qabo, inta isaga hablo ka qabta, kuwa uu is leeyahay dad bay kuugu xigaan iyo wax ma garatadda uu isticmaali karo, kuwaas oo aan muraad kale lahayn, xoolo ka dhaqo mooyaane. Qaar kale baa jira oo iyana mudo markay maalmo cayn-kaas ku ceeshaan, uu garaad-koodda xumi siiyo, oo ku fekera in uu is yidhaahaan salaxdda " Boqor-tooyo waarta" Ilayn waa adigaa meel walba dhigay mid " Caanyo ah" oo sidaad rabto kuu fuliya'e, waayo wuxu isu qaataa in aan cidi loodin karin, oo wuxu iskala awood weynaadaa " Ilaahi aduunkan lahaa, oo isagu siduu doono ka yeelaaya, cid ku haysa-taana aanay Jirin. Dadka u dhaqma qaab-kaasi waa kuwa ugu daciifsan dhanka masxadda, Waxay ku qanci-yaan naf-toodda, in ay waxay doonaan samayn karaan, kol-kaas baa ilayn bixiso baa u durbaan tumaysee, ay siddii awr-qooqan ay kaadidda ku maydhaan, oo ay is moodaan. Rasuulkii (Csew) uu Eebbe keliggii u soo direy bani'aadamka uu abuurey, Mar-kaasu waali sii afar-qaadaa, kolba sii laba-kacleeyaa, sababta oo ah wax aanu ahayn buu is-biday, oo been iyo wax aan jirin buu iska dhaadhi-ciyey, balse akhristaw kuwii sidaa u dhaqmi jirey, halkay ku dameeyeen, intee baynu u soo joognay? Wax-ba kani ku qadaan-maayo kala wareeg-saniye.



Arimaha aan kuu soo guud maray, waxa hadda dhaba-deedii si wacan u qaaday askarta " Xaafad-tooyadda" Ee la kala yidhaah-do " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo kuu ku adeegto ee Geenyo-Shaaximan" Imika bay qaadayaan heestii ahayd " Wadaddii cadayd, cagta saar-nayoo, Ku caraabinee" Oo tabtii Af-la-haarkii " Ina bare" Uu meel kasta ku fadhiisiyey mid Qoys-kiisa hoose ah ( Hadda reer maaha) Waa sidda Heego kuwa la yidhaaho'e, oo ay ka mid yihiin wiilasha uu dhalay. Bal ila eega xaajoo-yinkan aan hoos ku qori doono, idin-ba waad yaabi doon-taane:-


(a) Wiilka uu askarigan jaahilka ahi, ee dhagaha xidhani uu dhalay ee weyn, Wuxuu si toos ah ugu gacan geliyey dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalku lahaa, cid uu u daba-fadhiisa-nayaana haba sheegin.


(b) Waxa uu fasaxan in baanka waxa uu doono ka qaato xisaab la'aan.

(c) Abkii Qandaraas oo dhan in uu isagu bixiyo, siduu doonana uu ugu takri fallo.

(d) Shirkaddii Baatroolka iyana isaga bay hoos yimaadaan.

(e) Haamihii shidaalka ee Berbera isaga baa looga qaaday dadkii hore u haysatay.

(f) Diyaaradihii Al-carabia iyo Fly Dubai, Markii wiil-kiisa looga diiday in qayb laga siiyo ( 25% Personal share owener). Wuu joojiyey gebi ahaan-ba.

(g) Wasaaradda Maaliyadu Jeeb-kiisa bay ku jirtaa siday u dhan tahay, loogana amar qaataa, cid la hadli kartaana aanay jirin.


(2) Mar kale ku soo Noqo Wiilka Askariga Ee Yar:-

Wuxu kù taxay derajo ah Gaashaanle Sare, siddii kii uu dhalay Af-weyne ee "Maslax" Isaga oo kuliyad magac u yaal ah, yidhi wuu ka soo baxay, ay ku sheegeen magaceedda Abdilahi Askar. Iyaba waa yaab kale'e, Taariikh-da Abdilaahi Askar, ee uu ka dagaal galay yaa haya? Ogaw oo muwaadin, kii kala baxay " Bir-jeex" oo ahayd xaruntii ugu weynayd Ciidankii 26aad ee Af-Wyne, markii sigaakra wejiga lagaga bakhtiiyey, ag buuxa lagu yiihi " sheekha aad sheegaysaa wax ha kuu taro" iyadda oo aroorta la dili lahaana kala baxsaday " Waa Kood-buuure" looma bixin, Sababta oo ah qabyaalad awgeed, oo kani waa inaadeerkii. ku darso oo ha soo sheegeen halka uu Ina Askar fal ka sameeyey ama ka dagaalamay, Maxaa loogu bixin waayey Raggii-Ragga ahaa, sidda Maxamed Cali, Adan-Cade, Harag-waafi, Maxamed Mooge, Ina Saleebaan-Weyne, Xassn Kayd, Dhego-weyne, Koosaar, C/raxmaan maxamed case, Duuliye Xayd,, Otto Biixi, Lixle, Ina Habane, Kood-Buur, libaaxo, Ibraahim layla, iyo qaar kaloo badan. Saw ma cadda mar-kaas kii sidiisa qaadka ku cuni jirey Magaca SNM-ta Xarshin, in uu qabyaalad ahaan ugu magac daray, Waxa uu ku sheegay " Kuliyadda Ciidamadda" .


Horaa loo yidhi " Nin Is waalaba waabiyaa hella'e" Ma foga wakhtiga uu ku dambayn doono, halkii saaxiibkii Af-Weyne, Cabdalla Saalixii Yamaneed, Qadaafi, Mugaabi, Mingiste, Xayla Salkaase, Sadaam Xuseen, Cumaral bashiirkii Suudaan iyo kowo kale oo aan la soo koobi karini. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Nabsigu nina ma saacidu, dulmi-guna wakhti xadidan buu shaqeeyaa, oo ayaamo buu ciyaar-siiyaa, caqli yaraha xooga is bida sidda " Raggii ma adigaa ka hadhay" oo aan weliggii wax ku qaadanayn wacdarihii soo jireenka ahaa ee uu lugta ku soo dhuftay. Ugu dambayn, waayo'arag la'aantu waa mushkilad, iyadaana qoorta isaga kaa marta, oo kuu run sheegta. Askarigan iyo intuu isku soo xeeray-na, way ka dhan yihiin ayaamihii uu khiyaaliga ku noolaa, ee uu hawadda isla maraayey, imika bay soo dabar go'een, oo ay beel waliba ka dhaqaaday, mucaarid-nimana isaga baa isugu filan, kani waa is gawrac, xadhiggii lagu xidhaayey buu xaglaha ku sitaa, isaga baa isu dhamaynaaya iyadda oo aan meel kale looga iman, ee ha sugi waayina.

* N.B Nin Is Waalaba Waabiyaa Hella!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...