Somaliland Doorashooyin Ma Ka Dhacayaan , Hadiiba La Qabto Goorma Ayey Dhacayaan ?

0
Monday November 02, 2020 - 15:59:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Doorashooyin Ma Ka Dhacayaan , Hadiiba La Qabto Goorma Ayey Dhacayaan ?

    W/Q: Muxamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muxamed Dhimbiil

Waa su'aalo u baahan in jawaabo loo helo , maanta Gudomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo gudida joogtada ah ee Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland wax ka weydiiyeen ayaa yidhi yaan sas laga qaadin labada doorasho ee isku sidkan xeer baa sheegaye?



Image


Haddana waxa kale oo uu ka hadlay in diwaan galintii codbixeyaasha la bilaabi doono oo aanay wali hawshaasi dhamaystirin ee ay ku jiraan , hadalkiisa kuma cada xiliga la bilaabayo, xiliga ay doorashadu mudeysan tahay iyo qaabka ay noqon doonaan.


Haddaba horta Gudomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland waxa aan leeyahay doorashada isku sidkan xeerku waajib kamuu dhigin, ee farsamadeeda waxa leh komishanka doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland oo waa hawl kuu taalla sida aad isku waafajinayso iyo waliba furistii ururada siyaasada waxa laga yeelayo oo ay saameyn ku yeelanayaan doorashooyinkiisu.


Xeerka doorashada Xeer Lr 91/2020 waxa uu qorayaa qodobkiisa 6aad faqradiisa 3aad komishanka doorashooyinku waxa uu markiiba wada qaban karaa hal doorasho iyo waxii ka badan hadii ay haboonaato.


Qodobkaasi waxa loogu talogalay in hadii doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland ee baahsan la soo ururinayo in aanu xeer xanibin, laakiin farsamada waxa iska leh komishanka oo ah cida sheegaysa in ay qaban karaan mar hal doorasho iyo waxii ka badan, laakiin waxa muhiim ah doorashada isku sidkani in aanay qaranka caqabad kale galinin oo ka daran tan qabsoomid la'aanta doorashada.


Waxa kale oo hawlaha komishanka ka muuqda in aanay ka hawlgalin daneeyayaasha doorashooyinka soo socda oo aan kaliya aheyn sadexda xisbi qaran , maadaama ay suuragal tahay in tartankii ururada siyaasada lagu dhawaaqo inkasta oo aanay xiligiisii gaadhin Laakiin doorashadii ay ahayd in lagu furaa ay meesha ka baxayso hadii mar lawada qabto 2021 doorashada Golaha wakiilada iyo deegaanka.


Gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland ayaa iyagana looga baahan yahay in ay ka hadlaan arinkan doorashada isku sidkan, si aanay meesha uga bixin tartankii ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka ee 2022 dhici lahaa , taasi oo caqabad sharci iyo murug siyaasadeed ku keenaysa qaranka maadaama ay jiraan muwaadiniin dooneysa in ay ururadii siyaasada furtaan.


Xeer lr 14 qodobkiisa 6aad faqradiisa 5naad ayaa waxa ay si cad u qeexaysaa mudada xisbiyada siyaasada oo ah 10 sanadood kana bilaabmaysa maalinta shahaadada la siiyo , in ay shahaado haystaana waxa sheegaya Qodobka 8aad ee Xeer lr 14 faqradiisa 1aad.


Qodobka 25naad ee isla Xeer lr 14 waxa uu sheegayaa in gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabta qaranku ay ku ilaaliso axsaabta siyaasada ee soo baxda tayeynta iyo habeynta xisbiyada qaranka oo ah maamul wanaag iyo dimuqaradiyad.


Marka aad eegto sida wax isugu huursan yihiin isla markaana aan la hayn dad ka hadla waxa suuragalaya doorashada ay doonayaan axsaabta qaranka jamhuuriyada Somaliland oo meesha ka saari doonta Xuquuq siyaasadeed ay lahaayeen muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ahna mid aan la laali karin .


Waxa aanu u soo jeedinaynaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, Goleyaasha xeerdejinta dalka , komishanka doorashooyinka qaranku in ay arimahani u raadiyaan xal waara oo aan xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta Somaliland na meesha ka saarin dalkana ay doorasho uga dhacdo .


Muxamed Dhimbiil

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...