Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Shirkii Beelaha Dir Ee Ka Dhacay Nairobi

0
Monday November 02, 2020 - 14:10:55 in News by
  • Visits: 2356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Shirkii Beelaha Dir Ee Ka Dhacay Nairobi

    Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Shirkii Beelaha Dir Ee Ka Dhacay Nairobi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Shirkii Beelaha Dir Ee Ka Dhacay Nairobi


Muqdisho(HWN):-wasiirka warfaafinta Soomaaliya Abuubakar Cismaan Dube ayaa ka hadlay shirka beesha Dir ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Image may contain: 1 person, sitting


wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku faah faahiyey shirka ka dhacay magaalada Nairobi, waxaanu yidhi "Dad badan baa i soo weydiiyey shir ka’ dhacay Nairobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la’ fahmi karo in dhaqan ahaan Beeuhu u shiraan,qaybaha kala duwan ee bulshaduna mar walba way shiraan, wayna la shaqeeyaan dowladooda. Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen Nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano, ee weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey, ee laga kari waayey walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in ay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen. Odayadaas dhuumanaya waxan leenahay soo dhowaada walaalayaal, Albaabadu weli way furan yihiin."

Loading...
Loading...