Maxaa looga hadlay kulanka Sheekh Shariif & Cali Guudlaawe?

0
Monday November 02, 2020 - 11:36:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay kulanka Sheekh Shariif & Cali Guudlaawe?

    Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan kale la qaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan kale la qaatay




Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa habeenkiii xalay aheyd Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe kulan kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle.

 

Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaaw ayaa kala hadlay arrimo ku aadan dhismaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo howlaha lagu dhisayo ay heer gaba-gabo ku dhow yihiin.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu Cali Guudlaawe ka dalbaday in wax yar la hakiyo howlaha Doorashada Maamulka, si al buuxa looga gaaro tabashooyin jira, isla markaana la dhameeyo wax kasta oo jira, lana gaaro heshiis siyaasadeed.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan kale la qaatay Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Jowhar ee dhawaan soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka.

 

Shariif ayaa Odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay u sheegay in Magaalada Jowhar uu u tegay sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ay qabaan beelaha, isla markaana uu doonayo in wax kasta oo xal ah la gaaro, si loo dhiso Hirshabeelle mideysan oo loo dhan yahay.

 

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulanka Shariif iyo Cali Guudlaawe oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan, isla markaana lagu balamay kulamo kale, sida xogta lagu helayo.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada.


Loading...
Loading...