Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Gaaray Garoowe

0
Monday November 02, 2020 - 11:23:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Gaaray Garoowe

    Taliye Xijaar iyo wafdiga la socday oo socdaal dhulka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Xijaar iyo wafdiga la socday oo socdaal dhulka




Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil uu hogaaminayay ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

 

Taliye Xijaar iyo wafdiga la socday oo socdaal dhulka uga soo baxay Gaalkacyo ayaa waxaa duleedka Garoowe kusoo dhaweeyay, taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto Ceydiid Axmed Nuur ,Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Bashiir Ameeriko iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Punland.

Ujeedka Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa ah mid la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalka ku samaynayo deegaanada dawlad goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka dalka ku soo fool leh.

 

Taliye Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maalmo kahor socdaal ku tegay Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo halkaas kulan kula qaatay Madaxweynaha Galmudug, isla markaana kala hadlay amniga Doorashada Xildhibaanada BFS ee ka dhaceysa halkaas.


Loading...
Loading...